Wafdi heer sare ah oo ka
Socda EU -da Iyo qaar Kamida Hay`Adaha QM oo kulan la
qaatay madaxda wasaarada waxbarashada.
(Garoowe,
April 06, 2012 Ceegaag Online)
Madax ka socotay EU-da
iyo hay`ado kale oo caalami ah oo ay kamidyihiin UNICEF,
CFBT, AET ayaa kulan balaadhan la qaatay madaxda sare ee
wasaarada waxbrashada dowladda Puntland iyo lataliyaasha
wasaarada ka caawiya waaxyaha, kulankan ayaa ahaa mid kooban
loogana hadlayay qodoba cayiman.
Ujeedka imaatinka
wafdigan ayaa ah inay qiimayn ku sameeyaan halka uu marayo
barnaamijka ay taageeradiisa bixiyaan oo ah barnaamijka
hormarinta iyo kor uqaadida waxbarashada, Integrated
Capacity Development for Somali Education Administrations (ICDSEA)
Kasoo wax ka qabta shan waaxyood oo kala
Strategic planning and
policy development;
Human resources
management and organizational development;
Financial management and
planning;
Standards based quality
assurance;
Gender mainstreaming and
girls’ education participation.
Lataliyaasha wasaarada
waxbarashada ayaa soo bandhigay waxqabadkii ay sameeyeen
mudadii ay joogeen iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen waxaa
kaloo iyana hadal kooban soo jeediyay Wasiirka Waxbarashada
Oo Amaan Usoo Jeediyay Madaxdii Meesha Isugu Timi sidoo
kalana waxaa warbixin kooban soo jeediyay Agaasimaha Guud Ee
Wasaarada Mr Mohamed Abduwahab.Waaxyahan ayaa ah kuwa ugu
miisaanka wayn wasarada waxbarashada qaybaheeda.