shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adda Human Rights Watch oo Ethiopia eedeysay.

(Addis Ababa, Jan 18, 2012 Ceegaag Online)

Ururka u dooda xuquuqda Aadanaha ee (Human Rights Watch), ayaa warbixin ay soo bandhigtay ku eedeeyey xukuumada Itoobiya in si qasab ah lagu raray dad beeralay ah si dhulkooda looga kireeyo shirkado ajanabi ah oo maalgashada.

Waxa ay warbixintu diirada Saartay Ismaamulka Gambeela iyada oo qeexday in beeralay gaadhaysa ilaa 700,000 dhulkoodi xoog looga kaxeeyey. Waxa Human Rights Watch  ay intaa ku dartay, in tuulooyinka dadka loo raray ayna lahayn adeegyada waxbarshada, caafimaadka iyo dhul la beerto. Dawlada Itoobiya ayaa gaashanka ku dhufatay eedeynta ururka Human Rights Watch iyada oo ku tilmaantay in barnaamijka tuulayntu halbowle u yahay horumarinta dalka.

Simin Berket ayaa sheegay in barnaamijka dib u dajinta ee Gambeela uu yahay mid dadka dan u ah isaga oo ku nuuxnuuxsady in 20,000 oo qof dib loo dajiyey iyada oo la gaadhsiiyey adeegyada kala duwan ay ka mid yihiin biyuhu, caafimadka iyo waxbarsahada, Waxa uu afhayeenka dawladu si adag u sheegay in aysan dib uga noqon doonin barnaamijka dib-u-dajinta.

Xukuumada Itoobiya iyo Human Rights Watch ayaa horey isugu khilaafay warbixino ku aadan xuquuqda aadanaha oo ururkaasi ka soo saaray Ismaamulka Soomaalida iyo ciidamadii Itoobiya ee galay dalka Soomaaliya.

Itoobiya ayaa waxaa si xawli ah ugu qulqulaya shirkado shisheeye ah oo aad ugu samaynaya maalgshi kala duwan. Wadamada Hindiya, Shiinaha iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Itoobiya si xawli ah u maalgalinaya.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com