shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Banaanbax lagu taageerayo go'aankii ay qaateen Ergooyinka Shirka Khaatumo 2 oo ka dhacay Taleex.

(Taleex, Jan 11, 2012 Ceegaag Online)

Banaanbax balaadhan ayaa maanta Gelinkii hore ka dhacay magaalada taleex banaan baxan ayaa ahaa mid lagu taageersanyahay Maamulka Cusub ee Haatan lagaga Dhawaaqay Magaalada Taleex. banaanbaxan ayaa ahaa mid ay kasoo qayb galeen dadwayne aad u faro badan oo markaasi ruxayey calanka Somalia.

Dadkan ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka waawayn ee Magalada taleex waxa ayna dadkani ahaayeen kuwo wajiyadooda laga dheehanayey farxado aan la soo koobi karin waxa ayna Dibad baxayaashan oo ahaa kuwa aad u badan ay socodkoodii kusoo gabagabeeyeen Xarunta Taariikhiga ah ee Silsilad waxaana halkaas lagu soo bandhigay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka ah waxaana ay meesha ka muuqanayey Dad shucuur ahaan aad u kacsan oo ku qanacsan Go'aankii ay qaateen ergooyinka shirka khaatumo2.

Dhinaca kale Banaanbaxyo kan la mid ah ayaa waxa uu  ka dhaceen magaalooyinka Boocame iyo Buuhoodle.

Daawo Sawiradda

Maxamed Cismaan C/nuur
Taleex.

webmaster@ceegaag.com