Dhalinta Ku Sugan Taleex
oo Kooxda G6 ay usoo Gudbiyeen 3 Su'aalod iyo Kulan ay
Yeesheen Dhalintu kagana Falan Qoodeen su'aalahaas
(Taleex,
Jan 06, 2012 Ceegaag Online)
Tan iyo
Wixii ka danbeeyey markii la furay shirka Khaatumo waxaa
jiray Taageerada iyo niyad Samida loo hayo shirka Khaatumo
2, Maalintii Khamiistii ayuu Shirki si rasmi ah u furmay
waxaana kasoo baxay qodobo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen in
dhalinta SSC la Waydiiyo isla markaana ay ka soo
Falanqoodaan arimaha SSC,waxaana Qodobada Loo soo gudbiyey
inay dhalintani kasoo warbixiso kamid ahaa.
1-Shacabka Daga Goboladda Sool,Sanaag iyo Cayn Maxaa Keenay
kala Xoornaanta Haysata?
2-Maxaa Lagaga Bixi karaa ?
3-Xalku Muxuu ku jiraaa?.
Su'aalahan waxaa Dhalinta Taleex ku sugan usoo Gudbiyey
Gudoomiyaha Kooxda G6.Dr Cali Ciise Cabdi maalintii
Khamistii khudbadii oo ka jeediyey Furitaankii Shirka
Khaatumo 2, Xaflad Balaadhan oo ay kasoo qayb galeen inta
badan dhalinyarada ku sugan taleex ayaa ka dhacday Hoolka
Shirka Khaatumo 2,Xafladan oo looga Gon'lahaa In dhalinti
gudi samaysato isla markaana ay Kooxda G6 u Gudbiyaan
jawaabaha iyo aragtida Su'aalahaas ay G6-ku usoo Gudbiyeen
dhalinyaradda.
Inta Badan Waxaa Ay Dhalintani Isku raaceen in su'aalahaas
oo dhan ay jawaab u tahay Talo la'aan iyo Is aaminaad la'aan
dhex taal Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanadda SSC isla markaana
Lagaga bixi karo iski duubnaan iyo isku Qalbi Furnaan.
Shirka Khaatumo 2 ayaa in badan ka duwan Shirarkii Hore ee
Beesha Dhulbahante Iskugu imaan Jiraan,shirarkii hore waxaa
aan ka qayb geli jirin Dhalinyaradda, Ururadda Haweenka ha
yeeshee Shirka Khaatumo ayaa Doorkooda u Ogol Dhalin yaradda.