Madaxda Maamulka Khaatumo
oo Booqday fadhiisimaha Ciidamadamo beeleedyadooda ka
samaysteen aagaga Baliyada taxanaha ah ee qadiimiga ah.
(Buuhoodle,
Feb 01, 2012 Ceegaag Online)
Madaxdda
Maamulka Khaatumo State ayaa shalay kormeeray Jiida hore ee
Sooljoogto si ay ugu kuuro galaan xaaladda Ciidamadda Jiida
hore Madaxdda booqatay Jiida hore waxaa horkacayey
Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash), Madaxweyne
Maxamed Yuusuf Indha Sheel iyo Xayn wasiiro ah.
Madaxdan
ayaa booqashooda ku tagayey Dhufaysyadda ugu horeeya ee
Ciidamadda waxana ay kulamo la qaadateen Saraakiisha xero
kasta oo ay booqdaan waxayna xero kastaba ay taliyahooda ka
dhagaysanayeen warbixinta xeradda iyo qaabka ciidamado u
joogaan.
Dagaalkan ayaa waxaa uu haatan ku soo beegmay xili ay
Buuhoodle ku suganyihiin Madaxda Dowladda Khaatumo State Of
Somalia, waxa ayna Sheegeen in ay Halganka dalka Qayb wayn
ka qaadan doonaan isla markaana ay tahay Waajib in ay
xoraynta Gobolada SSC Wax badan ka qabtaan.