Md.
Farmaajo "Haddii aan ku guuleysto tartanka Madaxweynenimo
isbedello horumarin ayaa dalka ka dhacaya"
(Nairobi, July 23, 2012, Ceegaag Online)
Musharaxa
jagada Madaxweynenimo Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo
ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa shir
jaraa'id oo uu u qabtay Warbaahinta gudaha iyo dibada waxa
uu uga hadlay musharaxnimadiisa, isagoona caddeeyay in
haddii uu ku guuleysto tartanka Madaxweynenimada Soomaaliya
dalka ku soo kordhinayo isbedello horumar dhinac walba leh.
Waxa
uu ka hadlay dalka Soomaaliya mudadii 20-ka sano inuusan
helin madax cadaalad wax ku maamusha, isagoona sidoo kale
eedeeyay wixii madax ahaa ee dalka soo maray inaysan dalka u
horseedin hoggaan daacad ah, wuxuuna sheegay in taasi ay ka
dhalatay is barbar yaac inuu ka yimaado hay'adihii Dowladda,
in la lunsado hantida Qaranka ee la doonayay in dib loogu
dhiso hay'adaha amniga iyo maxkamadaha garsoorka.
"Haddii aan ku guuleysto
tartanka Madaxweynenimo isbedello horumarin ayaa dalka ka
dhacaya" ayuu yiri Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo mar
Ra'iisal Wasaare ka ahaa Dowladda KMG ah, iyadoo la ogaa
wixii ka dhacay markii Farmaajo la yiri "Xalku waxa uu ku
jiraa inaad xilka dhigto" isla markaana shacabka
Soomaaliyeed dal iyo dibad bannaanbaxyo waaweyn uga
hortageen xil ka qaadistiisa.
Maxamed
C/llaahi Maxamed (Farmaajo) waa shaqsiga kaliya ee Soomaali
meel ay joogtaba uga bannaanbaxday iyadoo aan qabiil, midab
iyo jinsi toona ku taageerin Farmaajo, waxayna taageeradaasi
ka xanaajisay Madaxda Dowladda KMG ah.
Beesha Caalamka oo Dowladda KMG ahi ku taagan tahay ayaa si
cad u sheegtay markaan inay taageereyso rabitaanka shacabka
Soomaaliyeed, taasi oo ay muuqato fagaaraha doorashada
Madaxweynenimo haddii la isugu soo baxo inaan lagu daaheynin
oo xitaa musharaxiinta kale ay ugu shubi doonaan Musharaxa
Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).
Dhinaca
kale Musharax Farmaajo ayaa sheegay inuu kalsooni badan ka
heysto markaan beesha caalamka iyo wadamada daneeya arrimaha
Soomaaliya, iyagoo u aqoonsaday inuu yahay shaqsiga
kalsoonida faraha badan ka heysta shacabka Soomaaliyeed,
iyagoo arkay waxqabadka mudadii uu hayay xilka Ra'iisal
Wasaarenimo.
webmaster@ceegaag.com
|