Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
oo maanta ka qeybgalay Xaflad ay soo agaasimeen Ururka
Dhalinyaradda ee Ka hortaga Qabyaaladda.
(Muqdisho, July 17, 2012, Ceegaag Online)
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa
maanta ka qeybgalay Munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Ururka
Dhalinyaradda ee La dagaalanka Qabyaaladda (Anti-Tribalism).
Taas oo lagu muujinayay dhibaatooyinka ay leedahay
Qabyaaladda.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro,
Xildhibaano, Ururada Haweenka, Ururada Dhalinyarada
Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo aad u badan, waxeyna
ku saabsaneyd xafladdu sidii looga hortagi lahaa Qabyaaladda
sida qaldan loo adeegsanayo.
Ugu horeyn Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya,
Mudane C/qaadir Jahweyn ayaa aad u amaaney dadaalka ay
muujinayaan Dhalinyaradda Soomaaliyeed, isuna xil qaamay
sidii ay uga hortagi lahaayeen adeegsiga Qabyaaladda.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli
Maxamed Cali ayaa isna uga mahadceliyay dadaalkooda kuna
booriyaya Dhalinyaradda soo abaabushay barnaamijkaan ah La
dagaalanka Qabyaaladda, wuxuuna sheegay in qabyaaladu tahay
tii dalka Soomaaliya dhaxalsiisay bur-burkii ku yimid dalka
loona baahan yahay maanta in dhalinyarada Soomaaliyeed u
istaagan sidii loo qaadi lahaa kacdoon ka dhan ah
Qabyaaladda maadaama ay dhalinyaradu tahay kuwii ay ku
yeelataya saamaynta ugu balaaran.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in
Kacdoonkii SYL ay hormuud ka ahaayeen dhalinyaro
Soomaaliyeed maanta loo baahan yahay in dhalinyarada oo ah
Mustaqbalka dalka ay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa
Qabyaaladda.
Diraac
Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616
084650
Mogadishu,
Somalia
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|