Ra’iisul Wasaare ku xigeenka
Turkiga oo si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho.
(Muqdisho, July 17, 2012, Ceegaag Online)

Ra’iisul
Wasaare ku xigeenka Turkiga Sayn Baker Bosdag iyo wafdi uu
hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana
waftiga si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee
Aadan Cadde Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Dr. Cabidweli
Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda,
Xildhibaano Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada
qaybaheeda kala duwan.
Ugu
horayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa hadal
kooban ka jeediyey dhagax dhiga goob loo cayimay in laga
dhiso taawarka laga hago diyaaradaha iyadoona ay fulinayso
dhismahaas hay’ad laga leeyahay dalka Turkiga. Mr, Bosdag
ayaa sheegay in dowaladda Turkigu ay ka wado magaalada
Muqdisho mashaariic kala duwan waxaana sidoo kale uu sheegay
inuu meel gaba gabo ah marayo dhismaha isbitaalka Dikfeer
lana rajaynayo inuu soo dhamaystirmo dhamaadka sanadkaan
iyadoona loo qalabayn doono si casri ah.Waxaa kale oo uu
intaas ku daray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkigu in
dowaldiisu ka waddo magaalada Muqdisho mashaariic ku
wajahan dayactirka Wasaaradaha dowladda. Islamarkaana wuxuu sheegay
iney bilaabi doonaan sidii loo dhisi lahaa xaruntii
Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo
kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Mr. Bosdag wuxuu kulan
la qaatay Golaha Wasiiradda DKMG, Isagoo uga warbixiyey u
jeedka safarkiisa uu ku yimid magaalda Muqdisho oo aheyd
inuu indha indhayn ku sameeyo mashaariicda ay dowladiisu ka
waddo magaalada Muqdisho.
Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo
hadal kooban ka jeediyey isla goobtaas ayaa uga mahad
celiyey dowladda Turkiga sida deeqsinimadu ku jirto oo ay
ugu soo gurmadeen Walaalahooda Soomaaliyeed ayna gacan weyn
uga geysteen Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Adeegyada kale
oo muhiim u ah Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana mashaariicdii
ay ka fuliyeen dalka ay noqdeen kuwa miro dhal ah.
Ugu
dambayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ra’iisul
Wasaare Ku-xigeenka Turkiga ayaa si wada jir ah ugu wareejiyey
deeq ka kooban 400 oo kumputer Jaamacadaha ku yaala
magaalada Muqdisho, Iyadoona ay horey Xukuumadda Soomaaliya
uga codsatay dowladda Turkiga iney tayeyso Jaamacadaha dalka
Soomaaliya.
             
Diraac
Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616
084650
Mogadishu,
Somalia
Ceegaag@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com
|