War
murtiyeed ka soo baxay shir ay isugu yimaadeen qaar ka mida
isimada Soomaalida (Daarood)
(Muqdisho, July 09, 2012, Ceegaag Online)
Waxaa maanta shir balaaran isugu yimid 26 Isim oo kamid ah
Isimada beesha Darood, Aqoonyahano iyo wax garad kasoo jeeda
beesha Daarood oo ku sugan magaalad Muqdisho si ay uga wada
hadlaan arimo muhiim ah oo ku saabsan masiirka beesha iyo
dhamaystirka geedi socodka khariirad looga baxayo xiliga KMG
ah.
Waxaa shirkaan ku casuumay Isimada wakiilka Boqorka Burhaan
Boqor Muuse waxana goobtaas ka hadlay isimada kala ah, Ugaas
Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, Suldaan Cabdi Suldaan Cali
Sonkor, wakiil Ugaas Maxaamud Ugaas Maxamed, Suldaan Maxamed
Axmed Burtinle, iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
Dhamaan Isimada beesha Daarood ayaa ka hadlay in ay lagama
maarmaan tahay in la soo celiyo midnimadii Beesha si ay u
soo noqoto Dowladnimadii iyo karaamadii umadda Soomaaliyeed,
si arinkaas looga mira dhaliyana ay muhiim tahay in la
turxaan bixiyo mad-madowga ku dhex jira beesha, waxaa kale
oo isimadu soo qaadeen in geedi socodka khariirada looga
baxayo KMG ay beeshu diyaar u tahay sidii loo dhamaystiri
lahaa iyadoo la raacayo jadwalka loo dajiyey.
Sidoo kale waxey Isimadu sheegeen beeshu leedahay dhulka
ugu balaaran Soomaaliya sidaas daraadeedna ay beeshu soo
dhaweynayso maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo
iyadoo laga tala galinayo qaba’ilka wax ka daga goboladaas.
Ugu danbaytii shirkaan ayaad ku soo dhamaaday guul iyo is
afgarad dhamaan aaradii looga wada hadlay shirka waxaana
laga soo saaray qodobadaan.
-
1. Waxaa beeshu isku raacaday in la helo dowlad rasmi
ah 20 Augst 2012 beeshuna diyaar u tahay in bulsha
weynta Soomaaliyeed kala shaqeeyaan sidii loo dhamaystiri
lahaa KMG.
-
2. Waxaa beeshu isku raacday in arimaha Dastuurka wax
ka badal kooda iyo ansixintooda loo daayo ergada
ansixinta Dastuurka beeshuna soo xusho dad aqoon u leh
howsha loo igmaday isla markaana beesha Darood soo
gudbiyaan ergadii ansixnta Dastuurka qaybtoodii ay ku
lahaayeen 825 xubnood.
-
3. Waxaa Isimadu si wada jir ah u soo dhaweynayaan
maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo waana in
laga qayb galiyo maamulka dhamaan qaba’ilka kale oo wax
aka dega goboladaas si loo xoojiyo midnimada umadda
Soomaaliyeed.
-
4. Waxey Isimada beesha Daarood baaq wada jir ah u
dirayaan maamulka Soomaaliland iney ka baxaaan deeganka ay
haystaan madaama ay socdaan shirar looga gol leeyahay midnimda
umadda Soomaaliyeed.
-
5. Waxaa beeshu isku raacday In la sameeyo gudi Isimo
ah oo ka kooban 13 xubnood kuwaas oo ka shaqeeya isku
xirka iyo dhamaynta khilaafaadka yar yar ee ka dhex jira
beesha dhexdeeda.
-
6. Waxey beesha Daarood go’aan sadeen in shirar looga
hadlayo aaya ka talinta beesha lagu qabto mustaqbalka
deegaanada beeshu degto.
Axmed Farah
dhoodi222@gmail.co
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|