Galaha wasiirada Soomaaliya
oo maanta ka hadlay xalada goobaha lagala wareegay gacan ku
hayntooda Al-Shabaab iyo safarkii Raysalwasaaraha
(Muqdisho, June 11, 2012, Ceegaag Online)
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu
shir-guddoominayey Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Dr.
Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo
ay ka mid yihiin Warbixin safarkii Ra段isul Wasaaraha,
warbixin arrimaha amniga, Dhameystirka Qorshaha Roadmap-ka
iyo Siyaasadda Dowladda ee maamul u sameynta goobaha laga
xorreeyey kooxaha Al-Shabaab.
Ugu horeyntii Ra段isul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey
safari uu ku tagey Ethiopia, Djibouti, Kenya iyo Turkiga.
Wuxuu sheegay in shirkii Addis Ababa ee saxiixayaasha uu ku
soo dhamaaday guul oo ay ka soo baxeen heshiiskii Addis
Ababa oo leh jadwal lagu soo afjarayo xilliga KMG ah iyo in
Dastuurka lagu daray tallooyinkii saxiixayaasha ay soo
jeediyeen.
Sidoo kale Ra段isul Wasaaruhu waxuu sheegay inuu booqasho
rasmi ah oo uu ku tegey Djibouti si fiican loogu soo
dhoweeyey isla markaana uu Madaxweynaha iyo Ra段isul
Wasaaraha Djibouti kala hadlay qorshaha dhameystirka
Roadmap-ka oo uu sheegay in Dowladda Dalka Djabuti ay muhiim
u tahay nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.
Ra段isul Wasaarahu waxuu kaloo sheegay in uu Nairobi kula
kulmay Ra段isul Wasaaraha Kenya oo ay ka wada hadleen
howlgaladda ka socda gobollada Jubbooyinka iyo soo afjaridda
xilliga KMG ah, wuxuuna sheegay in Kenya ay muujisay sida ay
uga go誕ntahay inay kaalin fiican ka qaadato soo celinta
amniga iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya.
Ra段isul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey safarkii Turkiga
iyo shirkii Istanbuul 2 oo uu sheegay in 30kii May uu kulan
gaar ah la yeeshay Ra段isul Wasaaraha Turkiga oo ay ka wada
hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen shirka
Istanbuul 2, howlaha baaxadda leh ee Turkigu ka wadaan
Soomaaliya iyo maalgashiga mashaariic lagu horumarinayo
dhaqaalaha dalka.
Ra段isul Wasaarahu waxuu sheegay in shirkii Istanbuul uu
aad iyo aad muhiim ugu ahaa Soomaaliya oo la isku raacay in
la furo sanduuq dhaqaale oo loo sameeyo Soomaaliya oo dhanka
dib置 dhiska dalka ah.
Ra段isul Wasaaraha ayaa sidoo kale golaha siiyey warbixin
la xiriirta wafdi heer sare ah ee dalka Mareykanka oo shalay
soo gaaray Muqdisho oo uu hoggaaminayey Ku xigeenka Wasiirka
Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Mr Johnnie Carson.
Ra段isul Wasaarahu waxuu sheegay in dowladda Mareykanka ay
Dowladda ku ammaantay hormarka baaxadda leh ee laga sameeyey
amniga iyo dhameystirka Roadmapka, uguna baaqeen Soomaalida
inay sii labo jibaaraan sidii loo soo afjari lahaa xilliga
KMG ah bisha August 2012. Mareykanku waxey sheegeen inay
diyaar u yihiin inay sii labo laabaan kaalmada shacabka
Soomaaliyeed.
Golaha Wasiiradu waxey warbixin ka dhageysteen wasiirada
amniga oo warbixin dheer ka bixiyey xaaladda amniga dalka
guud ahaan, sheegeyna in horumar ballaaran laga sameeyey
dhanka amniga iyo xasilinta dalka.
Warbixin iyo dood dheer ka dib golaha wasiiradu waxey
isku raaceen in ciidamda amniga dhammaantood loo hambalyeeyo
guulaha waaweyn ee is-daba jooga ah oo ay ka sameeyeen
howlgaladdii sugidda amniga, loona soo jeediyo ammaan oo
lagu dhiiri geliyo inay howlahooda muhiimka ah sii wadaan si
dhammaan gobolada looga sifeeyo kooxaha nabad-diidka ah ee
Al-Shabaab.
Ra段isul Wasaaraha ayaa golaha ku dhiiriyey in loo
baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gudagalo
dhameystirka xilliga KMG ah oo qorshaha heshiiskii Addis
Ababa la dhaqangeliyo si loo hubiyo in xilliga KMG ah la soo
afjaro ka hor 20ka August 2012.
Golaha ayaa ka dooday waxqabadkii iyo caqabadaha jira.
Dood dheer ka dib golahu waxey isku raaceen in Madax
dhaqameedka ay si deg-deg ah u soo gudbiyaan guddigii
Xalinta Khilaafaadka oo ay dhexdooda iska doorteen si ay
sida ugu dhaqasiyaha badan u soo afjaraan khilaafka yar ee
beelaha qaarkood ka jira.
Sidoo kale Golahu waxey isku raaceen in si deg-deg ah loo
magacaabo Guddiga Farsamada ee ka kooban 27 Soomaali ah, 2
ka socda UNPOS iyo 7 ka socota beesha caalamka oo goob
joogayaal ah. Golahu waxey kaloo isku raaceen in Madax
dhaqameedka looga baahanyahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan
u soo gudbiyaan liiska Ergada Ansaxinta Dastuurka oo ka
kooban 825 oo ay 30% yihiin dumar.
Ugu danbeyntii golahu waxuu dhageystay warbixin xaaladda
goobaha laga xorreeyey Al-Shabaab iyo sidii loo hubin lahaa
in shacabka deegaanadaas ay sameystaan maamul ay soo
doorteen, isla markaana ay u sameysan lahaayeen guddi amni
oo ay dib-u-heshiisiin dhab ah u dhexmari laheyd beelaha
deegaanaddaas, Siyaasadda Dowladda ayaa ah in shacabku uu
sameysto maamul uu ku kalsoon yahay, si loo hubiyo in
shacabku ay aayahooda uga tashadaan.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|