shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha  Xuseen Siciid (Hayaag) oo warsaxaafadeed ka soo saartay koox qaswadayaal ah oo ka soo kicitimay Garoowe.

(Buuhoodle May 22, 2012 Ceegaag Online)

Shir dhinaca  isgaadhsiinta ah (teleconference)oo ay caawa oo bisha May tahay 21, 2012 isugu yimaaddeen guddiga fulinta ee xaaladda deg dega ah ee beesha Hayaag ayaa waxa ay ku falanqeeyeen saamaynta ay ku yeelan karto gobolka Cayn iyo guud ahaan degaannada Khaatumo imaatinka koox laga soo abaabulay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland  oo uu ka mid yahay Cabdillaahi Axmed Cali (Dabagooye) oo bishii April 27keedii laga xayuubiyay maskabkii isinimo ee uu u hayay beesha Hayaag.

Haddaba dood dheer iyo falanqayn ku saabsan saamaynta ay ku yeelankaraan kooxdaasi degenaanshaha  iyo nabadgalyada gobolka Cayn iyo degaannada Khaatumo, waxaa guddigu isla gartay in loo bayaamiyo beelwaynta Dhulbahante gaar ahaan dadwaynaha reer Buuhoodle mowqifka beesha Hayaag ee ku aaddan kooxdan uu horboodayo Cabdillaahi Dabagooye. 

1)      Waxaa beeshu ogaysiinaysaa dhammaan dadwaynaha ku nool gobollada Khaatumo gaar ahaan gobolka Cayn in beeshu aysan marnaba raalli ka ahayn wixii khalkhalgalinaya nabadkuwadanoolaanshaha iyo midnimada beesha Dhulbahante guud ahaan gaar ahaanna dadwaynaha ku dhaqan gobolka Cayn.

2)      In beeshu aysan  masuul ka noqon doonin wixii nabadgalyo xumo iyo iskudhac ah ee gobolka Cayn ay la yimaaddaan Cabdillaahi Dabagooye iyo kooxdiisu si ay  khalkhal u galiyaan geeddi socodka midnimada beesha Dhulbahante.

3)      Waxaa beeshu u soo jeedinaysaa beelwaynta Dhulbahante ee ku nool gobolka Cayn gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Buuhoodle iyo degmada Ceegaag, in ay indho feejigan ku eegaan lana socdaan  dadka yar iyo saxaafad-hungureedka wali ku mashquulsan in ay dhaqaale ku helaan siyaasado laga soo gudbay kana soo afjarmay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaanna degaannada Khaatumo.

4)      Ugu danbayn,  sida ku cad bayaankii beesha Xuseen Siciid  ay xilkii isinimo kaga xayuubiyeen Cabdillaahi Axmed Cali bishii April 27, 2012, waxaannu marlabaad xusuusinaynaa dadwaynaha Soomaaliyeed gaar ahaan beesha Dhulbahante in aanu jirin wax isbaddal ah oo ku yimi go’aankii beelwaynta Hayaag xilka kaga xayuubiyeen Cabdillaahi Dabagooye laga soo  bilaabo taariikhdaas kor ku xusanna uu yahay shakhsi shacab ah oo ka mid ah beesha.

Wabillahi Towfiiq

Guddiga Fulinta ee beesha Xuseen Siciid (Hayaag)

ceegaag@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com