shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Guddoomiye Cusub oo Maanta Loo Doortay Ururka Dhallinyarada Khaatumo”SAWIRRO”

(Caasimada Muqdisho.  May 11, 2012 Ceegaag Online)

Uruka dhalinyarada ee Khaatumo oo lagaga dhawaaay Caasimada Muqdisho, iyadoo isla maantaba si cadaalada loo doortay gudoomiyihii ugu horeeyay ee ururkaasi yeeshay.

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta ururka dhallinyarada qaranka Soomaaliyeed ayna ka qeybgaleen boqollaal dhalinyro ah oo ka soo jeeda deegaannada maamulka Khaatumo, mas’uuliyiin ka socotay maamulkaasi, Salaadiin, mas’uuliyiinta ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed,  iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta ururka dhallinyrada qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Ujeeddada kulankaasi ayaa aheyd sidii loo magacaabi lahaa ururka horumrinta dhalinyarada Khaatumo ee “Kheyda” isla markaana loogu dooran lahaa guddoomiye cusub, iyadoo munaasabadda ay hadaallo u badnaa dhiirigelin iyo bogaadin ka soo jeediyeen mas’uuliyiintii ka socotay maamulka Khaatumo oo uu ka mid ahaa Maxamed Ducaale Cabdi oo dhinaca Amniga u qaabilsan maamulka Khaatumo kaas oo muujiyay sida uu maamulkiisu u taageersanyahay dowladda KMG iyo qorshaha ansixinta dastuurka, isagoo ku dhiirigeliyay dhallinyarada in ay gundhig u noqdaan raadinta midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Muddadii ay socotay munaasabaddaasi ayaa lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumeysay qiimaha ay bulshada u leedahay wadajirka iyo midnimada, waxaana halkaasi ka soo jeediyay Abwaan Maxamed Cabdi Faarax “Looyaan”

Intaasi kadib waxaa la gudagalay in loo codeeyo musharaxiintii isu soo taagtay xilka hoggaanka ururka horumarinta dhallinyrada Khaatumo, kuwaas oo ahaa ku dhawaan ilaa Shan xubnood, iyadoo musharax waliba uu soo bandhigay waxqabadkiisa mustaqbalka haddii la doorto.

Doorashada oo si deggan oo aan buuq laheyn ku dhamaatay ayaa waxaa ku guuleeystay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee ururka horumarinta dhallinyrada “Khaatumo” Aadan Maxamed Jaamac oo ku magac dheer “Abuu walad” waxaana isla markii lagu dhawaaqay natiijada isqabsaday mashxarad, sacab iyo sawaxan, isagoo guddoomiyaha cusub uu u mahadceliyay dhalinyarada iyo mas’uuliyiintii ka qeybgashay xafladdaasi wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu mudnaanta siin doonto mideynta dhallinyarada Khaatumo iyo in ay qeyb ka noqdaan ururka dhallinyarada qaranka Soomaaliyeed oo maanta xaruntiisa lagu qabtay doorashada.

Si kastaba ha ahaatee dhalinyaradu waa lafdhabarka bulshada waxeyna gacan ka geystaan barnaamijyada horumarineed ee dalka, iyadoo magacaabista ururkan iyo doorashada hoggaankiisaba loo arko in uu horseed u noqon karo mideynta dhalinyarada Soomaaliyeed si looga baxo dhibaatada ka jirta dalkeenna, inkastoo ay xusid mudantahay taariikhdii wanaagsaneyd ee dhallinyaradeenna Soomaaliyeed ay ku soo hooyeen neecaawda xornimo ee aynu maanta heysanno.

Sawirqaadaha: Mowlid Maxamed Sabriye

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com