shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sa-nguan Sunthornwong oo noqdey ardaygii ugu da’da weynaa ee qaata shahaado Jaamacadeed.

   

(Thailand, May 08, 2012 Ceegaag Online)

Sa-nguan Sunthornwong oo ah 88 jir udhashay wadanka Thailand ayaa noqday ardaygii ugu da’da weynaa aduunka ee qaata shahaadada jaamacada kadib 12 sano oo uu ahaa arday ka tirsan Jaamacada Sukhothai Thammathirat Open University ee degmada Song Phi Nong ee Koonfurta wadanka Thailand ayuu ninkaan gaadhay hamigiisii.

Bangkok Post ayaa qortay in ninkaan odeyga ah uu si xiriir ah u iman jiray fasalada jaamacada waxaase uu seegay qalin jabintii dufcadii ay isku fasalka ahaayeen kadib markii uu xanuunsaday, Waxaa uu qaatay shahaadada qaanuunka ama sharciga kadib markii loo sameeyay xaflad qaas ah

Ninkan oo loo aqoonsaday ardeygii ugu weynaa ee qaata shahaadada Jaamacada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu doonaayo in uu sameeyo Master Degree.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com