shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adda UNESCO oo wadamada Geeska Afrika ka kaalmeyndoonta  sidii loo horumarinlahaa biyaha dhulka hoostiisa kujira.

  

(Nairobi, May 23, 2012 Ceegaag Online)

Hay’adda UNESCO oo ka mid ah Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa samaynaya baadhis lagu baadigoobayo biyaha dhulka hoostiida ku jira ee wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia. Mashruucan lagu baadhayo biyaha ayaa adeegsanaya farsamada ugu dambeysay ee aqoonta sayniska iyo khubaro ku xeeldheer sahaminta biyaha ku jira dhulka hoostiisa.

Mashruucan lacagta ku baxaysa ayaa waxaa iska kaashaday wadamada Maraykanka iyo Japan oo ku yaboohay lacag dhan $1.5 milyan sida uu sheegay Isuduwaha UNESCO, Joseph Massaquoi isagoo tilmaamay in wadamadani ay ka dhacaan abaaro keena biyo yaraan, balse ay jiraan kayd balaadhan oo biyo ah oo dhulka hoostiisa ku jira. isuduwaha ayaa  intaa ku daray, in ay nasiibdaro tahay in aan la ogayn goobaha biyuhu ku jiraan.

Ujeedada mashruucan ayaa ah sidii loo samayn laha khariirad tilmaamaysa meelaha kaydka biyhu ay kaga jiraan dhulka hoostiisa taas oo wax wayn ka taraysa soo saaridooda, Mashruuca ayaa adeegsan doona sawiro ay qaadan dayax-gacmeedyo casri ah oo tilmaan fiican ka bixi kara meelaha biyaha ku jiraan.

Wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia  ayaa waxa la rumaysan yahay in ay ku fadhiyaan kaydad aad u balaadhan oo biyo ah, balse aan la ogayn meelaha gaarka ah ee biyhu ku badan yihiin. Marka lagu guuleysto mashruucan ayaa wax wayn ka badalidoona sidii loo dabooli lahaa baahida biyaha ee wadamada Geeska Afrika.

www.ceegaag.com

 

 

ceegaag@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com