shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Imtixaankii Iskuulada Sare iyo kuwa Dhexe ee Maamulka Khaatumo State oo maanta si rasmi ah uga bilowday Magaalada Buuhoodle.

  

(Buuhoodle, May 24, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn Imtixaankii Iskuulada Sare iyo kuwa Dhexe ee maamulka Khaatumo State of Somalia. Imtixaanadan oo ahaa kuwii ugu horeeyay oo uu qaado Maamulka Khaatumo State ayaa waxaa u fadhiistay arday farabadan oo kasoo jeeda deegaanada Khaatumo.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Khaatumo Yasiin Axmed Sulub iyo agaasimaha guud ee Imtixaanaadka Kayse Cawil oo goobta kala hadley ardayda ayaa u hambalyeeyay ardaydii u fadhiisaneysay imtaanada,  dhanka kale ardayda ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad aad u sareysa. 

ceegaag@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com