shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada New England oo Gabo  Gabeesay Qorshaha hab Maamuuska lagu soo dhaweenayo  Rayslawasaare Farmaajo.

(Boston, May 02, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa baryanaba soconayay shirar Jaaliyada Soomaalida ee reer New England ugu diyaar garoobayeen xaflad mahad celin  ah oo ay doonayaan inay u sameeyaan Raysalwasaarihii hore ee soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Xafladan ayaa waxaa soo agaasimay Dhalinta Soomaaliyeed oo baryahan magac xumi badan uga soo hoyatay dagaalada mab-da halaysan ee qaar dhalinta kamida lagu majaro habaabiyay dalka Hooyo gudihiisa.

Soo dhaweentan ayaa lafilayaa in dhalintu soo bandhigaan waji kaduwan kan ay warbaahintu kafidinayeen, wajigan ayaa qaar dhalinta ka midi ku tilmaameen inuu yahay soo nooleenta Soomaalinimadii, iyagoo carabaabay in rajadoodu ku xidhan tahay Geedi Socodka Siyaasadeed ee ay ka arkeen mudadii gaabnayd ee uu talada hayay Raysalwasaare Farmaajo.

 

webmaster@ceegaag.com