shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Caanka ah ee Real Madrid oo qaaday Koobka horyaalka dalka Spain.

   

(Bilbao, May 03, 2012 Ceegaag Online)

Kooxda kubadda Cagta ee Real Madrid ayaa hanatay horyaalka dalka Spain kadib markii ay ugu itaal roonaatay 3:0 kooxda Athletic Bilbao.

Ciyaaryahan Gonzalo Higuain ayaa dhaliyay goolka koobaad ee ciyaarta daqiiqadii 16-aad, sidoo kale xidiga dalka jarmalka Mesut Ozil ayaa daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta udhaliyay goolkii labaad kooxda Real Madrid. Halka ciyaaryahan Ronaldo uu isna dhaliyay goolkii sedexaad ee ciyaarta iyadoo ciyaartu ku dhamaatay 3-0 sidaas oo ay ku xaqiijisay horyaalnimada Spain.

Macalinka kooxda Real Madrid Mr. Jose Mourinho ayaa hadda ku guulaystay afar koob oo dalal kala duwan ah kadib markii uu uqaaday kooxaha Porto (Potugal), Chelsea (England),  Inter Milan (Italy)  iyo caawa oo uu Real Madrid (Spain) ka dhigay horyaalka La Liga 2011-2012

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com