shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Machedka Turkiga ee Bedel oo sii balaadhinaya adeegyada waxbarasho.

   

(Muqdisho, May 08, 2012 Ceegaag Online)

Mas’uuliyiinta Machadka waxbarashada caalamiga ah ee Beder ayaa faahfaahin Ka bixiyay adeegyada waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka Barata machadkaasi oo ku yaala Muqdisho.

Machadka caalamiga ah ee Beder oo ay dowladda Turkigu ka hirgelisay magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah macaahidda ay sida aadka ah u sareyso adeegyada waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed kaas oo leh Jiif,  dawo,  raashin iyo daryeel aad u wanaagsan.

Maamulaha Machadkaasi Bulent Ergunes oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in 2000 oo xarumood oo machadkan Beder ah ay ka furanyihiin in ka badan 160 wadan, isagoo intaa ku daray in machadkan Muqdisho ay dhigtaan 120 Arday oo wiilal Soomaali ah.  kuwaas oo qaar ka mid ah ay ka yimaadeen waddamada dibadda iyadoo  ardaygiiba laga qaado 100$.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray in machadkan laga bixiyo Afarta Maaddo ee cilmiga ah iyo maaddada Computrer-ka ah, wuxuuna xusay in sidoo kale Ardayda la baro  Luqadaha kala ah English, Turkish, Carabi iyo  iyadoo Maaddooyinka taariikhda iyo Juqraafiga lagu dhigo Afka Soomaaliga ah.

Maamulaha ayaa tilmaamay in machadkan ay fureen  23-kii October ee sanadkii 2011 isagoo intaa ku daray in sanadka 2013 uu mahcadku qaadan doono arday gaareeysa 270 arday kuwaas oo wax ku baran doona dugsigii farsamada ee Buulo Tekniko oo haatan Turkigu ka wado howlo dayactir ah. maamulaha ayaa tibaaxay in ardaygii ka qalin jebiya machadka Beder uu Jaamacahadaha caalamka uu imtixaan la’aan dhigan karo, maadaama uu machadku yahay caalami.

Daawo Sawiradda

 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com