shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Sh. Shariif Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Sacuudiga”SAWIRRO”  

(Muqdiaho, May 03, 2012 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday dalka Sacuudiga kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay Mashaariic loogu tala galay in lagu qodo ceelal biyood ka waday dalka.

Iyadoo wafdigan ka socday dalka Sacuudiga ay shalay soo gaareen Muqdisho si ay u hirgeliyaan Mashruuc dowladda Sacuudigu 150 Ceel uga qodeyso Muqdisho iyo Gobollada kale dalka, ayaa madaxweyneaha Jamhuuriyadda mudane Sheekh Shariif waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha wafdiga ka socda dalkaasi Sacuudiga.

Wasiirka Macdanta, biyaha iyo tamarka oo qaabilaadda madaxweynaha ee wafdigaasi kadib saxafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Shariif uu soo dhaweeyay mashruuca ay dowladda Sacuudigu ka hirgelineyso dalkeenna,  isagoo uga mahadceliyay Sacuudiga gurmadka ay u fidinayaan ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu xusay in ujeedada wafdiga ay aheyd in uu soo salaamo Madaxweynaha, isagoo hoosta ka xariiqay in wafdigani ay u yimideen dalka hirgelinta mashruuc 150 ceel biyood looga qodayo dalka.

Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah waddamadii u soo gurmaday dalkeenna markii ay abaarta darani ku habsatay dadkeenna.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com