shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisul Wasaare Gaas oo ganafka ku dhuftay qoonsiga ay qoonsatay qodobo kamida Dastuurka  Dawlad goboleedka Puntland.

(Muqdisho.  May 12, 2012 Ceegaag Online)

Ra段isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Somalia, C/wali Gaas ayaa ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Maamul Goboleedka Puntland fikir iyaga u gaar ah, isla markaana waxa uu ku nuux nuuxsaday Ra段isul Wasaaruhu inuusan hadalkaasi waxba u dhimi Karin Geedi socodka Road Map-ka.

Ra段isul Wasaare Gaas oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in qorshe hawleedka RoadMap-ka uu marayo meel wanaagsan,  Wuxuuuna Ra段isul Wasaaruhu intaasi ku daray in Road Map-ka ay ka go誕ntahay Dawladda Somalia fulintiisa.

Mr Gaas-Ra段isul Wasaaraha KMG ah ee Somalia, waxa uu dhinaca kale sheegay inay meel wanaagsan marayso Qorshaha ansixinta Dastuurka Qabyo Qoraalka Somalia, haatana ay Odayaasha Dhaqanku ku hawlan yihiin xulista Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka.

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com