shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliska ciidamada Booliska oo Muqdisho kusoo bandhigay gawaadhi casri ah.

.

(Muqdisho May 21, 2012 Ceegaag Online)

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay waddooyinka Magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen gaadiid dhawaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ugu deeqday Dowladda Japan. Gaadiidka oo lagu soo wareejiyay waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntii waxay isugu tageen Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay Saxaafadda kula hadleen Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo ugu horeyn saxaafada la hadley ayaa wuxuu faah faahin ka siiyey waddooyinka ay soo mareen isagoo sheegay in waddooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir ay Baabuurtaasi socdaal ku soo mareen. Taliyaha ayaa si gaar ah u cadeeyey inay maanta cagta soo mariyeen waddooyin badan sida Baar Ubax, fagax, Black sea, Cali kamiin, Sanco, wadada maka Al-Mukarama iyo waddooyin kale oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobtaasi ka hadley Hoggaanka Interbool ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/rashiid Axmed Xirsi isagoo ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Dhawaan ayey ahayd markii Dowladda Japan ay gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Daawo Sawiradda

ceegaag@hotmail.com

 

 

webmaster@ceegaag.com