shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad Balaadhan oo lagu taageerayo Xisbiga TAYO oo Boston lagu qabtay (Daawo Sawiradda).

(Boston, May 06, 2012 Ceegaag Online)

Xaflad aad u balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen boqolaal qof oo Soomaaliya kana kala yimid inta badan gobolada la'isku yidhaahdo New England ee cariga Maraykanka ayaa ka dhacday maanta magaalada Boston.

Xalfladan oo lagu soo dhaweenayay Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa waxaa lagu qabtay hoolka wayn nee kuyaala Roxbury Community College ee xaafada Soomaalidu kubadan tahay ee Roxbury. Sidoo kale  ayaa waxaa lagu taageeray laguna soo dhaweeyay xisbi siyaasadeedka TAYO oo haatan u tafaxatay uruurinta maskaxdii kala baahday ee shacabka Soomaaliyeed.

Xafladan ayaa ahayd mid ka leexatay wadooyinkii xafladaha Soomaalida, sida mid ay abaabuleen dad gaar ahi balse ahayd xaflad ay si wada jir ah usoo abaabuleen jaaliyadaha New England. Xafladan oo ay soo agaasimeen ururka midawga dhalinyarada soomaaliyeed (United Somali Youth) ayaa waxaan xidhiidhinayay Eng. Xuseen Maxamed X. Cali (Xuseen Fiin). Guud ahaan xafladan ayaa kusoo gabagaboodey jawi aad u wanaagsan oo ay farxadi ku dheehantahay.

Daawo Sawiradda

Xidhidhiidhiye

Maxamed Shariif oo ayaadaha quraanka iyo kalmad waano ah shirka ku furaya

Gabdhaha barbaarta ah ee reer Boston oo su'aal waydiinaya dadwaynihii madasha shirka siiba raga!!!! Su'aashaa oo ahayd cida ka masuulka ah hadii ay raacaan dad ajanabi ah oo aan gayaan kooda ahayn? Aabahay waxaa la dilay 16 sano ka hor ninkii dilay hadii aan dilo aabahay ma iisoo noqonayaa? waa su'ashii ay gabad Soomaaliyeed hor dhigtay shacabka soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan reer Boston.

Garaadka reer Boston Garaad Food oo shacabka ku boorinaya in la'taageero lana garab istaago urur siyaasadeedka TAYO kuna amaanaya Raysalwasaare Farmaajo sidii hufnayd ee uu ugu hiiliyay shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku waayay Jagadiisii Raysalwasaaranimo.

Ergay ka socday Xafiiska Senatorka Massachusetts John Kerry

Soo dhawayntii Raysalwasaaraha ee reer Connecticut

Soo dhawayntii Raysalwasaaraha ee reer Maine

Soo dhawayntii Raysalwasaaraha ee reer Vermont

Soo dhawayntii Raysalwasaaraha ee reer Massachusetts

Halyay Doolaal oo oo ka dhawajiyay in Soomaalidu Midowdo, ku Mitiddo Xornimadooda.

Amaal oo iyadu Maraykan ku dhalatay oo Su'aal ah siday wax ugu qabankaraan dalkii hooyo waydiisay Gudoomiyaha guud ee xisbi siyaasadeedka TAYO Md. Farmaajo.

Diini oo ka hadlaya sidii dalkeena Maraykan iyo dalkii aan u dhalanay Soomaaliya labadaba wax looga qabsan lahaa.

Baraarujintii Buraanbur ee Haweenka reer New England.

Cabdiraxmaan Caydiid oo Raysalwasaare Farmaajo madasha ku soo dhaweenaya.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com