shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad lagu muujinayay taageerada xisbiga TAYO oo lagu qabtay magaalada Boston (Qaybtii Labaad).  

(Boston, May 07, 2012 Ceegaag Online)

Xafladan oo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulsha sida, odayaasha, culuma udiinka, haweenka, dhalinyarada, aqoonyahanada iyo waxgardka ku dhaqan gobolada New England waxaa taagero hiil iyo hooba loogu muujinayay ururka TAYO.

Dadweynihii kahadlay madasha xaflada waxay ku nuux nuux sadeen sida ay ula dhacsanyihiin mabaadiida ururka TAYO iyagoo tilmaamay in ururka TAYO yahay mid ka turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.  Urukan TAYO oo goodoomiye katahay Drs. Maryan Qaasim halka Xogyaha guud ee ururka TAYO yahay Maxamed Cabdillahi Maxamed Farmaajo waa urur u taagan sida X/guud ka dhawaajiyay Tayo, Talo Wadaag iyo Tanaasul.

Xafladan oo bilaamatay 6:00PM sida caadada ahba waxaa lagu furay aayado quraana iyo kalmad diiniya oo uu soo jeediyay aqoonyahay da’da yare e Maxamed Shariif. Intaas kadib waxaa microphone lagu soo dhaweeyay Garaad Food. Garaadku waxa uu shacabka ku dhaqan gobolada New England ku booriyay inayna u laka hadhin taageerada ururka Tayo isagoo garaadku sheegay mudadii yarayd ee uu R/wasaaruhu jagada dowlada kumeel gaadhka ee Soomaaliya hayay uu qabtay shaqo tayo leh tasoo hami galisay dhamaan shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale xaflada waxaa iyana joogtay Fanaadana qaranka ee Shankaroon Axmed Yuusuf Sugal oo heeso qiiro wadaniyadeed wata ka qaaday madasha tasoo kicisay shacuurta dadwenihii faraha badnaa ee joogay madhasha.

Waxaa intaas kabacdii hadalka lagu soodhaweeyay Ergay ka socday Xafiiska Senatorka Massachusetts John Kerry oo lagu magacaabo Joseph Bykowski kasoo sheegay in Senator John Kerry jeclaa in xafladan kasoo qayb galo nasiib wanaagse senatorku kamaqan yahay gobolka shaqo badana uu hada kahayo Washington.

Intaas kabacdii waxuu xidhiiyaha xaflada Xuseen Fiin microphonka ku soo dhaweeyay ergooyinkii kala duwanaa ee ka kala yimid gobolada New England sida Vermont, (Abdiraxmaan Gaandi) Connecticut,(Maxamed Cabdi Madar) Massachusetts (Abdiraxmaan Yuusuf) iyo Maine (Maxamuud Xasan) iyadoo ergaykastaayi kasoo jeediyay madhasha fariimo ay kasideen shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada ay mataleeyeen.

Xaga kaalinta haweenka waxaa buraanbur qiimo badan kasoo jeedisay madasha xaflada kadhacaysay Safiyo Qaaje  iyo dhalinta barbaarta ku dhaqan magaalada Boston oo soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka umada Soomaaliyeed. Kaalinta odayaasha waxaa hadalo dardaarana ka soo jeediyay odoy Doolaal. Waxaa sidoo kale kahadylay xaflada Aways oo ah aqoonyahan soomaaliyeed kuna hadlayay afka qoomiyada beesha jareer weyn ama Somali Bantu.

Kaalinta dhaliyarada waxaa madasha shirka kahadlay Siciid Axmed oo ah aasaasihii iyo madaxweynaha ururka midawga dhalinyarada soomaaliyeed (United Somali Youth), Amal Xuseen iyo Maxamed Ali Diini oo sadexduba kadhawaajiyay sida ay u muhiim utahay kaalinta dhalinyarada Soomaaliyeed khaasatan kuwa waxkubartay wadankan Maraykanka.

Salaadii Makhrib kadib ayaa madhasha xafladau kadhacaysay oo ahayd hool kuyaala Roxbury Community College dib la isugu soolaabtay iyadoo hadalka lagu soo dhaweeyay Dr. Cabdiraxmaan Caydiid oo ah saaxiib muda dheer isyaqaaneen R/wazaare Moxamed Cabdillahi Farmaajo. Dr. Caydiid ayaa ku dheeraaday shaqsiyada iyo hawkarnimada Farmaajo isagoo ka sheekeeyay mudadii ay labada mas’uul kawada shaqayn jireen wasaaradii arimaha dibada ee Soomaaliya. Dr. Caydiid ayaa ugu danbanytii microphone kusoo dhaweeyay Maxamed Cabdillahi Farmaajo. Dadweyniihii kusugnaa goobta xafladu kadhaycasay oo aad u dhawrayay qudbada xogaya guud ee ururka TAYO anyaa sacab iyo qalbi furan ku soo dhaweeyay R/wazaare Farmaajo.

Xoghayaha Guud ee ururka TAYO Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa ugu horayn mahad balaadhan u soo jeediyay shacabka ku dhaqan gobolada New England sida diiran ay isaga iyo xaaskiisa Marwo Saynab Cabdi ugu soo dhaweeyeen magaalada Boston. Farmaajo ayaa tibaaxay taariikhda iyo magaca wayn ee ay leedahay magaalada taariikhiga ah ee Boston isagoo xusay Kennedy family oo kasoo jeeda gobolkan ahaan runtii dad magac iyo maamuus ku leh dhamaan caalamka. Farmaajo waxaa kaloo uu tilmaamay saday shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boston iyo gobolada New England ay u midaysan yihiin isagoo ku booriyay in sii laba jibaraan midnimadooda. Farmaajo oo kahadlaya siyaasada ururka tayo waxa uu sheegay in ururka Tayo u taagan yahay Tayo (oo ah in lahelo dad tayo leh), Talo Wanaag (in talada la wadaago oo qofkii khaldan la saxo) iyo Tanaasul. R/wazaare Farmaajo waxa uu kaloo ka sheekeeyay muda dii yarayd ee uu hayay xilka inuu wax badan ka qabtay dalka Soomaaliya sida umada Soomaaliyeedba ay u qirsanyihiin. Waxaa kaloo uu sheegay in xibgiisu u tartami doono doorashada fooda inagu soohaysa rajaynayana in ay ku guulaystaan. Ugu danbayntii Farmaajo waxa uu kula dardaarmay shacabka soomaaliyeed inay u istaagaan wadankoodii hooyo isagoo sheegay in dhalinta wax baratay iyo dadka tayada leh ay ka soo saari karaan haadaanta uu ku dhacay wadaka Soomaaliya.

Waxaa Madasha shirka Duco dheer  ku soo khatimay Sheekh Yaasiin  oo ugu duceenayay Wadankeenii hooyo in Illaahay dhibka ka saaro Soomaalida bogeeda Burcad isku mariyo.

Daawo Sawiradda 2aad

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com