shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xuska halgankii SYL iyo dib-usoo nooleynta Qaranimada Soomaaliyeed.

  

(Phoenix, Arizona May 23, 2012 Ceegaag Online)

 

Magaalada Phoenix gobolka Arizona ee Dalka Mareykanka ayaa 19-kii May 2012 lagu dhigay Munaasabo si heer sare ah loosoo agaasimay, ayna qaban-qaabisay Hay’ada SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL (ARIZONA);

Kulanka Xafladda Waxaana kasoo qaybgalay dadweyne farabadan oo ka-kooban Jaaliyada Somali-American, culimadeeda, aqoonyahankeeda waayeelkeeda, hoyooyinkeeda iyo dhallinyaradeeda.

 Waxaa munaasabada si heerka sare ah u maamusay Golaha Horumarinta Haweenka ee Somali_Ameerikan United Council, Guddoonka SAUC oo ay matalayaan Ilyas Sh. Mohamed, Sharmarke Ahmed iyo Musse Dhimbil, iyo dhallinyarada AZ Stars Team oo ay hogaaminayaan Nasruddiin & Sharmarke Shire. Waxa qayb libaax qaatay Kooxda Fanka ee Somali-Bantu oo uu hogaaminayo Mudane Adan; waxaa kaloo aan la illaawi Karin doorkii ammanta mudnaa ee Fannaanniinta Arizona oo uu u horeeyo Beldaaje Najiib, ayna ku xigaan Abdirizaq Buhoodle iyo Abdullaahi Garam-Garam. Waxaa kaloo xusid mudan gabayaaga-weyn Xassan Shiino doorkiisii wacnaa.

Munaasabaddan oo sida aan horay loo arag, loona maqal u-dhacday waxaa ka soo qayb galay bulshada Somaliyeed ee Arizona ku dhaqan iyo dadyow badan ee aan Somaali u dhalan, hasse yeshee qiimeynayey, daneynayeyna sida aanu u xuseyno Halgankii lagu gaaray xornimada iyo Qarannimada Somaliyeed.

Waxaan sinnaba loo illaawi Karin doorkii wacnaa ee Mudane Eng. Issa Sh. Xamuud oo ah siyaasi sare iyo hogaamiyaha Jaliyada somaliyeed ee UTAH; waxaa door lama illaawan ah ka qaatay ka-guulgaarka ujeedada iyo himilada Munaasabada Xuska Halgankii Gobanima-doonka Mudane Libaan Xussein oo ah milkiilaha MAI TV ee MN iyo kaaliyihiisa Ganacsade Sharif Feysal.

Waxaa kaloo xusid iyo ammaan mudan doorkii wacnaa ee Abwaannada Somaliyeed XalimaSacdiya oo munaasabaddan awgeed uga soo gurmatay Seattle (Washington), kuna adkeysay Gubaabo wacan iyo Buraanbur sare.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo daadihinayey ayaa intaan la guda galin Gubaabada iyo kicinta Fannanada-Weyn Saado Cali Warsame ugu talo gashay, ayaa waxaa laga soo jeediyay erayo munaasabada ku haboon ee khuseeya Halgankii tariikhiga ahaa ee Halyeyadii usoo halgamay Madax-bannaanida iyo Xornimada Somaliyeed, sahanka iyo ficilka haattan looga baahan-yahay Dib-u soo-nooleynta Qarannimada Somaliyeed, waxaana halkaas ka soo jeediya erayda ku haboon mudanayaasha kala ah: Prof. Maxamad Cali Abukar, Sharif Nur, Eng. Ciisa Sh. Xamuud, Sh. Axmad Cali Daahir, Eng. Cumar Sadiiq, Mudane Cali Islaw, Garaad Cabdifatah Ahmed, Ugaas Geelle Ugaag Boqow, Caaqil Jaamac Ciise Bariir.

Gubaabada iyo murtida sare ee Fannaanada Qaranka Saado Cali Warsame ka jeedisay munaasabada, waxay ahayd mid qiiro weyn gelisay dhammaan ka qayb-galayaasha munaasabada qiimaha iyo qaayaha weyn leh, waxaana u riyaaqistaa nagala qayb qaatay ajaanibtii ka soo qayb-gashay munaasabadda micnaha iyo xurmada weyn mudan.

Munaasabadu waxay ku bilaabatay, kuna xirantay astaanta Qaran - SOOMAALIYEEY TOSOO – TOSOO ISKU TIIRSADA, HADBA KIINNA TAAG DARAN, TAGEERA WELIGIIN.

Ugu dambeyntii Prof. Maxamad Cali Abuukar, Fannaanada-Weyn Saada Cali Warsame iyo Garaad Cabdifatax Ahmad Maxamad ayaa Shahaado sharafyo guddoonsiiyay shakhsiyaad muhim ah ee mudnaa in loo-qiro, loona aqoonsado doorkooda hawl-karnimo ee u-adeegida Bulshadeenna; waxaana dadyowgaa ka mid ahaa ajaanib dhowr ah ee loo aqoonsaday doorkooda iyo adeegooda wacnaa.

Waxaa munaasabadda lagu gunaanaday in Adkeynta Midnimada iyo Isku-duubnida Jaaliyada ay asaas u tahay Horumarka Bulshadeenna.

Daawo Sawiradda

 

 

ceegaag@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com