Ra’iisal
Wasaare Nuur Cadde oo saacadaha soo socda ku dhawaaqi doono
Xukuumad ka kooban 18 Wasiir.
(Baydhabo,
January 01,
2008 Ceegaag Online)
Ra'iisul Wasaaraha
Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu wadaa in
saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Xukuumadiisa cusub ee
tirada yar.
Sida ay sheegayaan
wararka laga helayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowladda
Soomaaliya Nuur Cadde ayaa la filayaa uu shaaciyo Gole
Wasiiro oo sida la sheegay ka kooban 18 Wasiir.
Madaxda Dowladda
Federaalka oo ku wada sugan Magaalada Baydhabo ayaa xalay
kulan gaar ah ka yeeshay magacaabida Xukuumada Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Nuur
Cadde waxa uu damacsan yahay inuu u xaqiijiyo beesha
Caalamka iyo Soomaalidaba in uu garwaaqsaday in dhismaha
Gole Wasiiro oo ka kooban 18 Wasiir, taasoo aad u adag sida
Beelaha ugu qanci karaan, bacdamaa Xukuumadihii tira
badnaanta ahaa uu is qab qabsi ka jiray, hadana waxaa suura
gal aheyn sida loogu heshiin karo Xukuumadan tirada yar ee
la soo dhisayo.
Qaabka loo kala heli
doono Golaha Wasiirada oo lagu saleeyay nidaamka 4.5 ee
awood qeybsiga Beelaha ayaa waxay noqon doontaa mid beelaha
waa weyn ay u kala heli doonaan min Afar Wasiir, halka
Beesha 5aad ay heli doonto min labo Wasiir oo kaliya.
Wararka ilaa iyo haatan
laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in ay socoto qaban
qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhisayo Xukuumada Cusub
oo sida muuqata ku dhawaaqitaankeeda lala sugayay
Madaxweynaha Somalia Mudane C/llaahi Yuusuf oo shalay
Baydhabo soo gaaray.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |