Aaska
marxuum lagu diley shaley dalka koonfur Afrika oo maanta ka
dhacay Magaalada Johannesburg.
(Johannesburg,
January 02,
2008 Ceegaag Online)
Dad kor uu
dhafayaa boqol qofood oo Soomaali ah ayaa kasoo qeyb galay
Aaska Wiil dhalinyaro ahaa oo shalay kooxo hubeysan ay ku
dileen tuulo ku dhaw Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur
Afrika.
Marxuumka oo
lagu magacaawi jirey Cumar Cabdi Nuur, oo da’diisu ahayd 27
jir ayaa dalka joogey muddo ka yar labo bilood, isagoo u
geeriyoodey tacshiirad wadnaha ka haleeshay, oo ay ku fureen
dhowr nin oo aanan Haybtooda la aqoon.
Dilka
Marxuumka ayaa dhacay xilli sadex nin oo soomaali ah oo qaar
ka shaqeeya iyo kuwa leh isugu jirey ay ku sugnaayeen gudaha
dukaanka dhibtu ka dhacday,kadibna ragii hubeysnaa ayaa si
aan loo meel dayin u furey rasaas kuwaasoo midii ugu
horeysey ay haleeshay Cumar Cabdi Nuur, dalka Koonfur Africa
yimid Taariikhdu markay ahayd 13-11-07, isla dukaanka uu
shalay ku geeriyoodey, sida uu ii xaqiijiyey mid ka mid ah
ehelada marxuumka geeriyoodey,
Dhinaca kale
burcadii falka geysatey ayaan wax hanti ah ka qaadan
dukaanka, iyagoo markey falka gesteen is kaga baxsadey
goobta, kooxdan burcada ah ayaa dhawaanahanba qal-qal
galineysay dadka Soomaalida ee tuuladaasi ku dhaqan, iyagoo
dhowr jeer ku soo qaadey weerar oo halkaas ay ka geystay
dhac iyo Jir dil.
dhinaca kale
marxuumka geeriyoodey ayaa maanta, Aas Caalami ah loogu
sameeyey Magaalada Johannesburg, iyadoo marxuumka lagu
aaseey meel ay ku aasan yihiin Soomaali kale oo fara badan
oo aan ka xusii karo ninkii lahaa dukaankii lagu diley
shalay marxuumka dhintey oo isna goobta ku aasan,
6-dii Bilood
ee u dambeeyay Sannadkii 2007 dalkan Koonfur Afrika tirada
dadka Soomaalida ee lagu diley ayaa gaareysa ku dhawaad 20
waxaane iska caado ah in sanad kasta dhamaadkiisa ay saro u
kacdo tirada dhimashada Soomaalida, maadaama la yiri tuugada
wadankan ee hubeysan ayaa geysta falal fool xun sii ay u
helaan lacago ay ku damashaad tagaan Sannadka marka
dhalanaya,
Hadaba waxaa
aaskii maanta ka dib dadka qabriga dushiisa kula hadlayeey
Sh. Maxamed Amiin oo ah Imaamka Masaajidka Magaalada
Johannesburg, ka dib wacdin iyo waano diineed ayuu sheekhu
hoosta ka xariiqey inay muhiim tahey in dadka ah
mulkiilayaasha dukaamada tuulooyinka ku yaala ay xaq dhowran
shaqaalaha uga shaqeeya dukaamankooda, ugu dambeyn falkaasii
waxaa cambareeyey Jaaliyada soomaaliyeed ee Gobollka Gauteng,
Hassan C/llaahi
Cabdi (yeey)
Johannesburg,
South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |