shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Itoobiya oo ka jawaabtay war ka soo yeeray Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

(Addis Ababa, January 02, 2008 Ceegaag Online)

Wasiirka Warfaafinta ee dowlada Itoobiya Burhan Heylo ayaa ka hadlay hadal ka soo yeeray Afhayeenka Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalamaya Soomaaliya,kaasoo ku hanjabay in ay weerarayaan ciidamada Itoobiya.

Wuxuu sheegay in dagaalada lugu soo qaado ciidamada Itoobiya ee jooga Muqdisho ,ay yihiin kuwa fuleynimo ayna jabiyaan mar walba kooxaha weerarada ku soo qaada ,isagoo been iyo qiyaali ku tilmaamay sheegada Al-Shabaab ee guulo ay gaaraan waa sida uu yiri Wasiirka Warfaafinta Itoobiya.

Mr. Heylo wuxuu tibaaxay in ay ciidamadoodu Soomaaliya ka dhigayaan goob nabdoon kana caagan Argagixisada, isagoo sheegay in ay hada Soomaaliya meelo ka mid ah noqdeen goobo xasiloon oo dhibaato aysan ka jirin

Wasiirka Warfaafinta oo wareysi siiyay Tv-ga ETV ayaa ka sheegay Warkan ,wuxuuna sheegay in ay Itoobiya sidoo kale wado tababarida ciidamada Booliska & Milateriga ee dowlada Federaalka ee Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan waxay sheegtaan falalka weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, iyagoo sheega inay ku jiraan wax ay ugu yeereen dagaal Jihaad ahoo ay ka wadaan Guud ahaan Dalka Somalia.

Mohamed Bashir

Jig-Jiga

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com