Shaqaalihii MSF-Spain ee Afduubka loogu Haystay Duleedka
Magaalada Boosaaso oo la sii daayay.
(Bosaaso, January
02,
2008 Ceegaag Online)
Labadii hablood ee u shaqaynayay Hay'ada MSF Spain ee
afduubka loogu haystay duleedka magaalada Bosaso ayaa goor
dhawayd la sii daayay.
Hablahan oo u kala dhashay dalalka Argentine iyo Spain ayaa
haatan waxa ay ku sugan yihiin mid ka mid ah Hoteelada
Magaalada Boosaaso.
Ma cada ilaa iyo iminka in shaqaalahan lagu soo sii daayay
lacag madaxfurasho ah oo ay horay u dalbadeen kooxahan,
inkastoo warar aad wali la xaqiijin sheegayaan in la baxshay
lacag madaxfurasho.
Waa markii labaad oo lagu afduubto Magaalada Boosaaso
shaqaale Ajanabi ah mudo gaaban gudeheed, waxaana Maamulka
Puntland uu balan ku qaaday in ay wax ka qabanayaan Amaanka
Magaaladaas iyo Kooxaha Afduubka shaqo ka dhigtay.
Wixii
Faah Faahin dheeraad ah kala soco Ceegaag Online
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |