shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhalinteena Dhuntey iyo Qeylo dhaanta Culumada.

(Johannesburg, April  05,  2008 Ceegaag Online) 

Koonka dhalan roganka iyo dhaqan dooriska , dhalinteena toban iyo dhowrka kun ah dhibaato laxaad leh ayaa heystada, Culumadeenana qeylo dhaantii ugu xooga badneyd ayay u dirayaan bulshada Soomaaliyeed ee dalkani ku dhaqan.

Waxaa isa soo taraya baaqyada walwalka leh ee ka imanaya culumada Soomaaliyeed ee dalkani ku dhaqan, mana ahan in eey iska hadlayaane heerka dhibaatada dhalinta heysata ayaa xadkeedii dhaaftey, gaar ahaan dhalan roganka iyo jiilka sii dhumaya.

Koonfur Afrika waa dal calmaani ah, oo hadana ku dhaqma dimoqoraadiya nooca reer galbeedka u yaqaanaan heerka haboon oo ay ka filan kareen wadan Afrikaan ah, waxaa caadi iyo ceeb la’aan ka ah galmada guur la’aanta ah, waxaa qof kasta uu xor u yahay in uu dharka u xirto sida uu doono, gaar ahaan gabadhaha ayaa u fasaxan in eey si qaawani magaalada ugu baxaan, waxaa dhalinyarada isku da’da ah aad arkeysaa iyagoo dariiqyada isku dhuuqaya oo isku jiidjiidaya, iyagoo waliba kooxo kooxo u socda, waxaa sidoo kale dalka sharci ka ah  guurka jinsiga isku midka ah (nin iyo nin, ama naag iyo naag), xitaa waxay isku guursan karaan maxkamadaha dalka. Waxaas oo faxshi iyo fadeexad ah degaanka eey ka dhacayaan ayaa waxaa nasiib darada na heysta ka mid ah in aan ku dhex nool nahay oo nolosha eey taasi na baday.

Malaha nasiib darada ugu weyn ayaa ah in in baddan oo dhalinteena ka mid eey maanta dhexboodayaan  jawigaasi wasaqeysan, sida eey sheegeen culumada markaska Al-Bayaan ee Johannesburg xaalada ayaa gaartey heer aad u xun oo aan la qayasi karin, waxay sheegeen in dhalinta tuulooyinka ku ganacsata eey u badanyihiin dadka dhibaatada eey aad u gaartay, dhalin baddan oo salaadii iyo soonkii ka tagay ayaa hadana dukaamadooda dhexdooda ku heysta haweenka dalka u dhashay oo aan wax xarig ah u heynin, taasi waxay marar qaarkood keentaa in eey isku dhacaan raga laga yaabo in  eey haweenkaasi saaxiibo la yihiin iyo ragan Soomaalida ah ee lacagta heysata, dhacdooyinkaasi ma badna, laakiin xaqiiqada ku saabsan in dhalinteena inta baddan eey dhalan rogantey waa mid aan sinaba loo qarin karin una baahan fiiro gaar ah.

Xaqiiqo kale oo jirta ayaa ah in eey dhalin qaar ka cabanayaan dumarka Soomaliyeed ee dalka jooga ama dalkii jira eeysan goyn karin qarash ahaan, taasoo rag baddan guur la’aan dhigtey, waxaa kale oo eey ku cabanayaan heysasho la’aanta aqoonsi eey ku socdaalaan si eey dalkii dumar oga raadsadaan. Balse dhibaato kasta oo eey tirsanayaan ma ahan mid loogu marmnarsoon karro in la xero dhaafo, waliba la galo xero cuduro iyo caafimaad dari taalo.

Qofka dalkani ku xero dhaafa, dhibaatooyin baddan ayay tahay inuu wajaho,

1. waa suurto galnimada iyo uu cudur halis ah qaado

2. waa cadho Eebbe oo ciqaabteedu adagtahay,

3. waa in uu ku hanti beelo haweenka haamaha marran lacagta ku guranaya ee dalkani ee jirkooda ka ganacsada.

4.  waxa uu halis ugu jirraa in lafihiisa la wax yeelayo, oo uu ninkale oo haweenayda isku luqun laabanyihiin uu ka masayso. Bal u fiirso ficilka waxaas oo dhibaato ah oo ay kuu dheertahay in aad ka sharaf dhacdo bulshada dhexdeeda, maxay yihiin waxa kugu xambaaraya.

Si kastaba ha  ahaatee waxaa looga digayaa Bulsho weynta Soomaliyeed ee ku dhaqan dalkan Koonfur Africa,in ay ka feejignaadaan  waxyaabaha naftooda halista u keeni karta.

Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.co.uk

  

webmaster@ceegaag.com