shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xubnaha Baarlamaanka oo buuq iyo sawaxan ku dhageystay Khudbooyinkii ay jeedinayeen Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaarihiisa.

(Baydhabo, Aug 28,  2008 Ceegaag Online)

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xarunta ADC-da ee magaalada Baydhabo ayaa waxay buuq iyo sawaxan ku soo dhaweeyeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo Baarlamaanka u hor-tegay in ay u jeediyaan khudbooyin ku saabsan heshiis ay ku soo gaareen  Dalka Itoobiya kadib markii muddo wada hadal uga socday Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya

Xildhibaannada Baarlamaanka oo beryahan uu u dhaxeeyay muran salka ku hayay khilaafka ay ka heshiiyeen madaxda sare ee Dowladda ayaa markii uu furmay kulankii Baarlamaanka waxay bilaabeen buuq iyo sawaxan, kaasi oo keenay in nidaamiyayaasha Baarlamaanka ay ku guuleysan waayaan in ay ajendayaasha kulanka jeediyaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo markii qaylada badatay hadalka la wareegay ayaa waxaa uu ku yiri Xildhibaanada in ay u codeeyaan in la dhegeysto khudbooyinka Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha iyo in aan la dhegeysan oo ay iska fasaxaan, kadibna waxay 130 mudane oo ka mid ahaa 220 mudane oo kulankii maanta ka soo xaadirtay ay u codeeyeen in la dhegeysto khudbooyinka madaxda sare ee Dowladda, halka ay 90 Xildhibaan diideen in la dhegeysto.

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu bilaabay dhageysiga khudbooyinka ay soo jeedinayeen Madaxda Dowladda.

Ra'iisal Wasaaraha waxaa uu Mudanayaasha Baarlamaanka u sheegay in ay madaxda Dowladda ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay, isla markaana ay ku heshiiyeen qodobadan hoos ku xusan:

1. In ay abuuraan jawi is-afgarad iyo is-aaminsanaan Madaxda Dowladda  iyo Hay'adaha Dastuuriga ah ee dalka.

2. In Axdiga Federaalka KMG ah uu yahay Sharciga ugu sareeya dalka , loona hoggaansanaado.

3. In madaxda dowladda ay xilkooda u gutaan si  waafaqsan Axdiga Dalka, isla markaana aysan madaxda dowladda isku faragelin howl-maalmeedkooda.

4. In madaxda Dowladda ay howlahooda u gutaan qaab wada-tashi ah.

5. In Wasiirrada Xukuumadda Federaalka la gaarsiiyo 23 Wasiir si loo xaliyo qul-qulatooyinka ka dhex jira Barlamaanka.

6. In Wasiirradii Xukuumadda ku jiray Khilaafka ka hor ee 15-ka Wasiir ahaa ay howshooda sidooda u sii wataan.

7. In madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ay isku af-garteen in shaqada laga fariisiyo Hoggaanka sare ee maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay isla magacaabaan guddi u xil-saaran soo dhisidda Maamulka Gobolka Banaadir 15 cisho gudahood.

8. In la taageero dib u heshiisiinta ay Dowladda kula jirto mucaaradka ka soo horjeeda iyo qodobo kale oo ku saabsan maareynta dhaqaalaha Dowladda soo gala iyo Amniga.

Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay oo Mudanayaasha Baarlamaanka la hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo intii uusan qudbadiisa bilaabin Xildhibaannada oo buuqayay ka dalbaday in ay kala doortaan in uu la hadlo oo ay dhegeystaan iyo in uu iska baxo, kadibna ay Xildhibaannada badankood isku raaceen in ay dhegeystaan khudbada madaxweynaha.

“Halkan isuma soo taagin in aan hadal badan idiin sheego, heshiiskii waxaa idiin aqriyay Ra'iisal Wasaaraha, waxaanse idiin sheegayaa hadal yar oo nuxur leh, wuxuuna yahay in heshiiska aan gaarnay uu yahay mid ay ku jirto maslaxada Dowladda Federaalka Soomaaliya waayo Beesha Caalamka iyo Mas'uuliyiinta Dowladaha aan saaxiibada nahay ee na taageera waxay nagu yiraahdeen haddii aadan heshiis gaarina nagu tashan meysaan, marka waxay ila tahay in ay habooneyd in aan heshiiskan gaarno”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com