shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qasaarihii ka dhashay Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo oo soo badanaya iyadoo Meydad kale saaka la helay

(Kismaayo, Aug 21,  2008 Ceegaag Online)

Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa degan, in kastoo ay jiraan xiisado dagaal oo u dhaxeeya Maleeshiyaadkii shalay ku dhex dagaalamay gudaha magaalada haddana waxaa la soo sheegaya in Magaalada ay qasan tahay isla markaana ay is hor fadhiyaan dhinacyada dagaalamay

Dagaalkan oo u dhaxeeya Maleeshiyaadka Beesha Maamusha Magaalada Kismaayo iyo Xoogaga Al Shabaab ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay nolosha dadka rayidka ah ee Magaalada, kuwaas oo markoodaba hore haysanin nolol fiican maadama ay isugu jiraan dad horey uga barakacay Muqdisho iyo dad reer Kismaayo ah.

Saaka ayaa gudaha Magaalada Kismaayo laga dareemayay abaabul dagaal oo labada dhinaca ka wadaan Magaalada maadama labada dhinac meel kasta ha ku xirnaadan hadda ay ka soo wada jeedan beesha Magaalada Maamusha.

Xaafadda shalay dagaalka dadka faraha badan ku dhinteen ka dhacay waxaa weeye Xaafadda Siinay Waqooyi Galbeed oo ku taala xarunta Maamulka Kismaayo

Saaka ayaa ilaa iyo 3 Meyd laga helay goobihii shalay dagaalada ka dhaceen, tirada guud ee dadkii ku dhintay dagaalkii shalay ayaa waxay noqonaysaa 16 ruux.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com