shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gen.Gabre oo ku cadaadinaya Madaxweyne Yuusuf inuu ogolaado xil kaqaadistii Max’ed Dheere.

(Muqdisho, Aug 10,  2008 Ceegaag Online)

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee jooga magaalada Muqdisho ayaa kulamo ay la kala lahaayen Madaxweynaha Dowlada federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isal Wasaare Nuur Cadde  ayaa waxa ay cadaadis ku sareen Madaxweynuhu inuu u hogaansamo doonista dadka Soomaliyeed .

War lagu dabacay barta internet ka ay ku leedahaya warbaahinta Al-Jaziira ayaa lagu sheegay in Gen. Gabre oo ah taliyaha guud ee ciidamada jooga Somalia  uu Madaxweyne Yuusuf u sheegay inuu ogalaado Wareegtadii Wasiirada ay Xilka kaga xayuubiyeen Gudoomiyaha Gobolka banaadir Max’ed Dheere.

Kulamo ay baryahan lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra'isal Wasaarihiisa ayaan wax is fahan ah laga gaarin waxaana la isku diiday fikarado dhowr ah oo ay ugu horeyso habka dibu heshiisiinta iyo kuwo kale oo Muhiin ah

Dhinaca kale lama oga kulamada Joogtada ah oo ay wada qaadanayaan Madaxweyne C//laahi Yuusuf iyo Ra'isul Wasaare Nuur Cadde iyo saraakiisha Ciidamada Itoobiya  waxyaabaha ka soo bixi doono maadaama xubnaha Dowlada ku jira iminka yihiin kuwo la kala safan labada mas'uul balse  aan u istaagin xalinta khilaafkooda.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com