Gen.
Cabdullaahi Axmed Jaamac "ilka-jiir" iyo Kulankiisii
Jaalliyadaha Puntland ee UAE (Daawo Sawiradda).
(Dubai UAE, Aug
10,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
habeenkii jimcaha ee taariikhdu ahayd 8-Aug-2008 ka dhacday
magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta Xafladii soo
dhawaynta musharax
General Abdillaahi Ahmad Jaamac “Ilka Jiir”.
Musharaxu
wuxuu ka mid yahay raga xaga hore kaga jira tartanka ama
loolanka loogu jiro doorashada madaxnimada maamul goboleed-ka
Puntland.
Xafladaas oo
si heer sare ah loosoo agaasimay, ayaa waxaa kasoo qaybgalay
dhamaan bulsha-waynta reer Puntland, Sida Issimada,
Ganacsatada, Aqoonyahanada, haween-ka iyo dhalinyaradaba.
Waxaa sida
caadadu ahaan jirtay lagu furay aayadaha Quraan-ka ah iyo
wacdi uu soo jeediyey mid kamida culimada maagalada.
Xafladan oo
hadafkeedu ahaa Musharax General Ilka Jiir inuu
kalsooni siiyo shacabka iyo bulsha waynta reer Puntland
maadaama uu yahay musharax u tartamaya xilka madaxnimo ee
maamul goboleedka Puntland.
Kadibna waxaa
xafladaas lagu sharfay inuu furo
“Beel-Daaje Ali Faarax”
Issimku wuxuu ka dhawaajiyey isagoo ku
hadlaya magaca Issimada dhamaan reer Puntland inuu aad ugu
faraxsanyahay guud ahaan musharaxiinta reer Puntland, Wuxuu
kaloo ku nuuxnuuxsaday, in Dhamaan Issimadu ay taageerayaan
nin walba oo xilkaas ku guulaysta, talo ahaana wuxuu soo
jeediyey, inay aad u fiicantahay in is bedel dhab ah la helo.
Waxaa sidoo
kale hadalka lagusoo dhaweeyey Musharax General Ilka Jiir
Musharaxu wuxuu si kooban uga hadlay qorshihiisa ku wajahan
wuxuu u qabanayo shacabka reer Puntland, Wuxuuna sheegay
inuu ka bilaabi doono nabadgelyada iyo amniga, isagoo
hadalkiisa halku dhag uga dhigay (Nabad baa naas la nuugo
leh).
Wuxuu kaloo
sheegay inuu qorshihiisa wanaagsan ku darayo maamul iyo
nidaam hada jira, kaasoo abaalkiisa ay leeyihiin raggii usoo
halgamay 10-kii sanno ee maamulkani jiray.
Musharaxa mar
xagga dhaqaalaha iyo qaabka awood qaybsiga, ee dhinaca
haweenka ku aadan wax laga waydiiyey, kaasoo ay waydiisay
Marwo Fatxiya Xaaji Bashiir, ayaa Musharaxu ugu jawaabay.
Inuu wado,qorshe ku salaysan 4 qodob Kuwaasoo kala ah sedan
hoos ku qoran.
(1) Kordhin
( Nabadgelyada )
(2) Kobcin
(Dhaqaalaha )
(3) Korin
(Shacabka iyo danyarta)
(4) Kaydin
(Khayraadka Badda iyo Barriga)
Wuxuuna
qodobka dhaqaalaha ku saleeyey inuu si dhab ah, wax uga
badalayo hanaanka dhaqaalaha, dawlad goboleed-ka Puntland,
isagoo kobcin iyo maarayn aqoon dhaqaale ku salaysan ku
samayndoona dhaqaalaha, kaas oo dhamays tiri doona baahida
qof kasta oo ka mid ah bulsha waynta maamul goboleed-ka
Puntland.
Waxaa kaloo
Musharaxu ka dhawaajiyey inay Puntland tahay geed wayn oo
Soomali dhamaanteed hadhsato, wanaaga iyo horumarka
Puntlandna inuu yahay mid Somali wada leedahay, dhibka iyo
dib u dhaca Puntland-na uu noqonayo mid saameeya Soomali
inteeda kale.
Waxaa kaloo
Xafladaas wax garadkii ka hadlay ee hadalada qiimaha weyn ka
jeediyey ka mid ahaa
(1) Sheekh
Bashiir
(2)
Ganacsade Qaasim Ali Jaamac
(3) Eng
Ahmad Caalin Ismail
(4) Dr Ali
Ige
(5) Hassan
Mohamad Salah (Hassan Somali)
(6) Xaaji
Ali Belbel
(7) Abdi
Qaadir Bidhiidh
(8) Abshir
Muuse Cashuur
Waxaa
Diyaariyay: Ismaaciil Mohamud M Shire (Baashe)
Daawo Sawiradda
Xigasho: Sanaag Post
webmaster@ceegaag.com |