Soodhaweyntii
Musharax Suleiman Maxamed Samatar (WajixaadO ee Minnesota.
(Minneapolis
Minnesota, Aug 25,
2008 Ceegaag Online)
Xaflad si
qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday
magaalada
Minneapolis
ee gobalka
Minnesota.
Xafladaas oo lagu soo dhaweeyey
Musharax
Suliebaan Maxamed Samatar (Wajixaad),
oo u sharaxan jagada madaxweynenimada Puntland
Musharaxan
ayaa waxa uu degan yahay gobalka
North
Carolina ee wadanka Maraykanka mudo ka badan labaatan sano,
halkaas oo uu wax ku bartay, kuna dhamaystay aqoonta sare.
Musharaxan ayaa waxa uu ku maqnaa wadankii in ku dhow sanad,
halkaas oo uu kaga qayb galay shirkii dibu heshiisiinta
beelaha Soomaaliyeed ee ka dhacay Magaalada Muqdishu
sanadkii la soo dhaafay. Shirkaas oo uu kaga qayb galay
isagoo matalayey waftigii ka yimid maraykanka .
Musharax
Saleebaan, ayaa markii uu shirka dhamaystay u gudbay
Puntland oo kaga qayb galay shirkii ka dhacay
Boocame3
ee ku magac
dheeraa Badbaado. Intii uu shirkaas joogay ayaa waxa loo
doortay xoghayn, halkaas oo uu shirkii ku dhamaystey guul.
Musharax
Suliebaan, ayaa intii uu joogay Puntland, waxa uu dareemay
in ay jirto maamul xumo baahsan oo ku salaysan cadaalad daro,
iyo waxqabad la’aan. Isagoo markaas go’aansaday in uu u
istaago sidi uu wax uga bedeli lahaa dhibtan ku habsatay
shacabka Puntland eek u dhaqan wadankii. Halkaas oo uu
markuu ku soo noqday Maraykanaka uu bilaabay olole wayn oo
ku wacyi galinayo dadka u dhashay Putntland ee ku nool
qurbaha.
Intii uu iman
Minnesota,
ayaa musharaxan waxa uu soo maray Gobolka Ohio oo uu kula
kulmay Jaaliyada reer Puntland ee degan gobalkaas. Musharax
Saleebaan, ayaa qudabdiisii uu kula hadlayey reer
Minnesota
ku soo bandhigay baahida Puntland ka jirta oo ah maamul
xumo iyo cadaalad la’aan. Isagoo dadkii shirka isugu yimid
ku beeray qiiro iyo argagax, ka dib markii uu ka hadlay
waxyaalo badan oo ku salaysan qabsashadii Laascaanood iyo
siyaasad xumida maamulka hada ka arimiya Puntland.
Ugu
dambayntii ayaa musharaxa la weydiiyey su’aalo aad u qoto
dheer oo ku saabsan doorashada Puntland iyo sidii loo xoreyn
lahaa Laascaanood. Musharaxan ayaa balan qaaday, hadii uu
xilka qabto in uu gacanta ku soo celin doono Laascaanood iyo
dhulka kale ee maqan, isagoo ku soo celin doono Puntland
nabad, la dagaalami doono budhcad badeeda jira, sicir
bararka, ku dhaqi doona sharci ku salaysan cadaalad, iyo in
uu abuuri doono ilo dhaqaalo.
Fadlan halkan
ka
Daawo Sawiraddii
shirka oo dhan:
www.insideminnesota.org/images.html
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |