shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Musharaxa Madaxtinimada Puntland Suleiman X. Mohamed Samatar (Wajixaad) oo shir u qabtay Jaalliyadda SSC ee Columbus, Ohio.

(Columbus Ohio, Aug 19,  2008 Ceegaag Online)

Musharax Suleiman X. Mohamed Samatar (Wajixaad) oo Axadii 17-kii August ku qabtay shir aad u balaadhan kaas oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan Jaaliyada SSC ee ku dhaqan Magaalada Columbus, Ohio iyagoo musharaxa  gacmo furan iyo salaan aad u diiran ku soo dhoweeyey.

Shirka oo uu daadihinayey Muuse Cabdi Waaxid ayaa waxa lagu soo dhaweeyey Cabdilaahi Faracade ahna Gudoomiyaha jaaliyada SSC ee Columbus, Ohio

Gudoomiye Faracade ayaa shirka furay kuna soo dhaweeyey Musharax Suleiman X. Mohamed Samatar magaalada Columbus iyo jaaliada SSC. kana sheekeeyey taarikhda Musharaxa iyo waxyaalihii wax ku oolka ahaa ee uu soo qabtay intuu wadankii ku maqnaa

Waxaa isna halkaa ka hadlay Safiirka Fransiiska u fadhiya Somaliya Mudane Saciid X.Mohamed Dheere kana hadlay arimaha DKMG iyo xagay wax u marayaan . Mingirifoonka oo lagu soo dhaweeyey Musharax Suleiman X. mohamed Samatar iyo sacab isdaba joog ah.

                              

khudbad aad u dheer oo meela badan taabanaysa soo jeediyey Kuna bilaabay salaanta islaamka Wasaalmu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu iyo mahadnaq uu u soo jeedinayo jaaliyada SSC ee Columbus iyo sida qimaha iyo qaayaha badan ee ay usoo dhaweeyeey.

Musharaxa oo hadalkiisii ku bilaabay aniga musharaxnimada waxaa igala culus igalana wayn xoraynta Gobolka Sool iyo midnimada bulshawaynta SSC waana ta aan maanta idinkugu imi. Musharaxa oo hadalkiisii sii wata ayaa taabtay qodobo aad u badan oo ayka mid yihiin xaqiiqda dhabta ah ee hortaagan xoraynta Sool

Waxaa kaloo musharaxu ka hadlay sababta uu iskugu istaagayo mushraxnimada Madaxtinimo ee Maamul Goboleedka Puntland. iyo waxqabadka uu muujin doono haduu ku guulaysto doorasha madaxtinimo. Musharaxu waxuu sheegay inuu Minneapolis MN. uu booqan doono halkaana uu kula kulmi doono Jaaliyada SSC bishu markay tahay 08/24/2008 oo ah maalin Axada.

Daawo Sawiradda

Xigasho: Xargaga

  

webmaster@ceegaag.com