Nolol
Caynkee ah ayuu ku Nool yahay Senator Obama walaalkii George
Xuseen Onyango Obama.
(Nairobi, Aug 23,
2008 Ceegaag Online)
George Xuseen Onyango Obama oo ah nin ay aabo wadaagaan
ama xaga aabo ay ka walaalo yihiin Senatorka u sharaxan
xisbiga dimoqraadiga ee dalka maraykanka, Barack Obama, ayaa
la sheegay in uu ku nool yahay nolol adag sida ay qortay
jariidada Vanity Fair qeybteeda afka talyaaniga ku baxda
ee kasoo baxda dalka maraykanka.
Sida ay jariidadu qortay waxa ay tidhi “George Xuseen
Onyango Obama waxa uu degan yahay xaafad carshaan(buulal)
ah, taas oo ku taal nawaaxiga magaalada Nairobi ee dalka
Kenya. Waxa uuna ku nool yahay mudul ka mid ah cariishyada
xaafadaa ”
Mr. George Xuseen Onyango Obama oo ah ninka ugu da’da yar
caruurta uu dhalay Barack Xuseen Obama ayaa markii ugu
horesay kahadlay nolosha adeg ee uu ku jiro taas oo aad uga
duwan tan uu ku jiro walaalkiisa xaga aabo ee Barack Obama.
Mar uu jariidada u tilmaamay nolosha adeg ee haysata, Mr
George waxa uu yidhi “Cid I taqaana ama og waxaan ahay anigu
majirto” isaga oo intaa ku daray”wax aan ku noolahay ama aan
helaa bishii wax ka yar Hal Dollar.”
Mr. George Xuseen Onyango Obama, oo ay ka muuqato wajigiisa
rafaad,isla markaana gacmihiisa kasoo laalaadiyey labada
cidhif ee tiirka ah ee kadinka cariishkiisa, albaab loox
dhamaaday ka samaysan oo leh muunad cagaaran na uu ka
danbeeyo, ayaa wargeyska u sheegay inuu u noolyahay sida
cidlo jooga(duur-galeen) cid ogna aysan jirin isagoo intaa
raaciyey “ Marka qof wax ka sheego magaca Awoowgey, waxaan
ugu jawaabaa waxba iskuma nihin Barack, aad ayaana uga
xumahaya nolosha aan ku jiro.”
Nolosha uu ku jiro Mr George waxay aad uga duwan tahay ta uu
ku noolyahay Senator Barack Obama oo ah Senator Maraykan ah
oo u tartamaya doorashada madaxtinimada dalkaas ee dhaceysa
bisha November sanadkan una sharaxan xisbiga Demoqraadiga
kaas oo kasbaday dakhli ka badan 4,000,000(afar malyan) oo
Dollar sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2007, sida ay tabiyeen
shaashadaha la iska arko ee dalka Maraykanka.
Mar uu Mr. George ka waramay kullankii dhex maray isaga iyo
Barack Obama sanadkii 2006 wuxuu sheegay inuu ahaa mid
kooban ayna wada sheekaysteen isaga iyo Barack daqiiqado aad
u yar oo kooban, isagoo intaa ku daray “Wuxuu ila ahaa
kulanka aan la kulmay Barack sida anigoo la kulmay qof
qalaad.” Halka Senator Barack Obama uu ku magacaabay Mr
George inuu ahaa “Wiil qurxoon oo maddax wareegsan” mar uu
Senatorku tilmaan kabixinayey Mr George,hadalkaas oo ku
qoran buugiisa lagu magcaabo “Dreams from my father.”
Arintan ay jariidadu qortay ayaa kusoo beegmeysa mar bishan
aynu ku jirno horaanteeedii la daabacay buug uu qoray qoraa
taabacsan xisbiga muxaafadka garabka midig(Republican) ee
dalka maraykanka, buugaas oo lagu magacaabo “the Obama
nation …” kaas oo uu qoraagu ku andacooday in Senator Obama
sheegan karo dhalashada kenya taas oo uu Senatorku been -abuur
ku tilmaamay. Balse jariidadu waxaa ay cadeyneysaa heerka ay
fikirka anaaninimadu ka gaarsiisan tahay siyaasiyiinta
Maraykanka.
Siciid Mohamed X. Cali
Boston, USA
webmaster@ceegaag.com |