Qaramada
Midoobay oo walaac ka muujiyay Soomaaliya.
(New York, August
01,
2008 Ceegaag Online)
Guddoomiyaha Qaramada Midoobay u qaabgilsan nabad ilaalinta
ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya gobolo badan oo ka
mid ah Koonfurta Somalia ay ka taliyaan xoogaga hubeysan ee
ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Intaas
waxa uu ku daray Mr Guehenno inaysan kala caddeyn cida sida
gaarka ah ay u hoostagi doonaan Ciidamada Qaramada Midoobay
amase maamulkooda la socon karta mar hadii aysan Dowladda
KMG ah ee Soomaaliya awoodin inay Maamulka Dalka gacanta ku
wada dhigaan.
Hay'adda
xaquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International iyo kuwa
samafalka ee Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah
ayaa horey walaac ka muujiyay xaalada bini'aadanimo ee ka
taagan Dalka Soomaaliya iyadoo dadka Dagaalada Magaalada
Muqdisho ka dhacay ku dhintay lagu qiyaasay in ka badan 7000
oo qof iyadoo dagaaladaasi barakiciyeen dad ka badan 2.5
million kuwaas oo qaar kood ku dhibaateysan inta u
dhaxaysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Degmada Afgooye.
waxa
intaasi dheer markii ay soo baxeen falal gaadmo ah oo lagu u
gaarsanayo Shaqaalaha iyo ganacsatada Magaalada Muqdisho ka
howlgala iyadoona qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya
ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo aan la ogayn cida ka
dambeysa, "dhinacyada heshiiska saxiixay awood intee la'eg
ayay u leeyihiin in ay maamulaan hubka yaala dalka
Soomaaliya hadii aysan taasi maamuli karin heshiisku waxa uu
noqonayaa mid aan dhaqan galin karin" ayuu intaa raaciyay
Mr. Marie Guehenno.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |