shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo magacaabay 5 wasiir iyo Hal wasiir K/xigeen Aqri Magacyada Wasiirada Cusub.

(Muqdisho, August  03,  2008 Ceegaag Online)

Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa wuxuu magacaabay 5 Wasiir oo isugu jira xubno lagu badelay Wasiiro shalay is-casilay iyo kuwo ka harsanaa Xukuumaddiisa.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah:

1.      Cabdalla Boos Axmed, Wasiirka Waxbarashada

2.      Cabdalla Xaaji Cali, Wasiirka Caafimaadka

3.      Fahmo Axmed Nuur Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

4.      Xuseen Maxamed Muuse Wasiirka Xanaanada Xoolaha Kallumeysiga iyo Bii'ada

5.      C/casiis Xasan Maxamed Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

1. Ismaaciil Xasan Maxamuud Timir Wasiir ku xigeeka Wasaaradda Dib u heshiisiinta, Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

Dhinaca kale Madaxweyne  C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa looga digey faragelinta uu ku hayo geeddi-socodka nabadda ee uu wado Ra’iisul wasaare Nuur Cadde, Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa laga soo xigtey in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf loo sheegey in mudada halka sano ah ee xukuumaddiisa u dhiman uu faraha kala baxo isbedellada uu wado Nuur Cadde haddii kalena uu mas’uul ka noqon doono cawaaqibka arrintaas ka dhasha.

Wasiiro ku fakir ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee ka horjeeda dadaallada dib u heshiisiineed ee dalka ka socda ayaa shalay ku dhawaaqey inay iska casileen xilalkoodii ay ka hayeen Xukuumadda Nuur Cadde.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com