كيف
تستقبل شهر رمضان؟
(Hargeysa, Aug 31,
2008 Ceegaag Online)
Sida aynu ka war qabno waxaa diyaar garow weyn loogu jiraa,
dalalka muslimiinta oo dhan, bisha ramadaan, ee nagu soo
fool leh,Waxaa inta badan la nadiifyay guud ahaan,
masaajidada, haday noqon lahayd, dayac tir, dhismo iyo mid
gogol-ba
Waxa qof walba oo muslim ah uu daneeyanyaa, bishan
barkeeysan, qofka caqiliga leh dabcan wuu garan karaa,
bishani in ay tahay fursad qaali, waa bishii lasoo dejeyay
Qur`aanka Kariimka, waa bil barako fara badan leh,
Hadaba walaalkeyga Muslimka ahoow maxaa lagaaga baahan yahay?
ma waxaa laga soomaa raahinka iyo biyaha oo qudha? Maxaase
kula gud boon? Sideebadna usoo dhoweyneysaa, bisha ramadaan??
Waxaa laga wariyay,Nabi Muxamad,SCW ( ninka aan ka
tagin, hadal been iyo ku camal falkiisa, soonkiisu wax uu
faa`iido uu leeyahay ma jiro) waxa kalooo uu yidhi Nabi
Muxamad,SCW ( imisa ayaa sooman, oo aan Soonkoodu wax
faa`iido ahi u lahayn, gaajo iyo harraad mooyane)
Hadaba maxaa lagaaga baahanyahay in aad la
Timaado?
Runtii lama soo koobi karo, laakin waxaynu soo qaadaneynaa,
dhowr qodob,
1-Qofka muslimka waxa looga bahanyahay, in uu la yimaado,
suluuk wanagsan bishaa Ramadaan, iyo bilaha kaleba,
2-Waa in aad kula dhaqantaa, dadka mucaamalo wanaasgan,
3- waa in aad iska dhaaftaa qufkii ku dulmiya, oo aad iska
cafidaa, adigoo ilaahay ugu dhowaanaya, oo ay jawaabtaaduna
noqotaa, waan soomanahay, ee I daa
Waxaan kusoo gaba gaba gabeeyanayaa, walaalkeyga muslimka
ahoow walaasheeyda muslimada aheey,
Hadii aad ku gaftay, Xaq qof walaalkaa, ama saaxiibkaa, ama
dariskaaga, ka faa`iideyso fursadan qaaliga ah, oo isku dey,
mushkilada in aad xaliso, hadii ay tahay, hanti ama
wax kale waa in aad u celisaa, ama aad u sheegta, si uu kuu
cafiyo, Hadii uu dulmigaasu yahay, mid Af ah, waa in aad la
xidhiidhaa meel kasta uu joogo, oo aad weeydiistaa cafis,
Waayo walal, waxaa iman doonta, maalin aan waxba tareeynin
Awlaad iyo lacag, illaa qofkii la yimaada
qalbi saliim ah mooyaane, sida uu noo sheegay ALLAH,
jallat cadamatuh
Maalin waxaa iman doonta, xubin kasta oo jidhakaaga ka mid
ah, ay kugu marqaaati furi doonto, wixii aad sameeysay ee
dambi ah,
Maalin waxaa iman doonta, qofku uu ka cararayo, walaalkii,
hooyadii, aabihii, xaaskiisa, iyo caruurtiisa, waad
dareemi kartaa dhibaatada weyn ee markaa jirta, ee sababtay,
in aad ka cararto, dad kuwii kuugu dhowaa,
Waxaa naga xusuus ah, in Shabakada warbaahinta ee
Ceegaag Online,
ay idin soo gudbin doonto, duruus ku saabsan, bisha Ramadaan
ee barakeysan, ha u deymo la`aan,
Anagoo, waliba isku deyi doonna, in culimada waaweyn, ee
joogta wadanka gudihiisa, qaar ka mid ah aynu ku martiqaadi
doonno,
W.D: Adam Cabdilaahi
aadandeeq2@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |