Sayladii Hore ee Xoolaha ee magaalada Lascaanood oo dib loo soo nooleeyay
(Laascaanood, Aug 04,
2008 Ceegaag Online)
Amar ka soo baxay Maamulka Laascaanood dhaqana galay Maanta ayaa lagu mamnuucay wax ku kala iibsiga sayladiihii sharcidarada ahaa ee xoolaha lagukala iibsan jiray magaalada Laascaanood.
Sayladahan oo ku salaysnaa Hab beeleedka loo kala degan yahay magaalada ayaa samaysmay ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya.
Dad xog ogaala oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in looga gol leeyahay isbadalkan in lagu xakameeyo canshuuraha dawlda Hoose ee magaalada oo lala baxsado amaba aan lasoo hadal qaadin marka magaalada xoolo lagu kala iibsado.
Waxaa lasoo rogay canshuur dhan 10,000-11.000 Shilin Soomaali laga qaado neefkii, si loogu dayac tiro amaba loogu adkeeyo amaanka iyo bilicda magaalada.
Waxaa kale oo isna cagaf lamariyay suuqii wadhacda, oo magaalada ku hayay culays nadaafad daro iyo amaandaro.
Gabagabadii ;- su'aasha iswaydiinta mudan waxay tahay maxaa loo hirgaliyay go'aamadan maanta oo aan loo hayn magdhawyo dadka danyarta ah ee talaabooyinkan dhaawacayaan culayska nolasha lagaga fududeeyo! mise ma' cidina muraad kama laha dadka danyarta ahbaa mise waa cadaadin loo gaysanayo dadka danyarta ah si loogu sanduleeyo waxyaabaha ama ujeedooyinka maamulka Sandule.
Xafiiska Wararka Ceegaag.com
Laascaanod
webmaster@ceegaag.com |