Wasiirka
Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo ka hadlay sii deynta Labo
ruux oo dalkiisa u dhashay oo lagu haystay muddo Somalia.
(Roma, Aug 06,
2008 Ceegaag Online)
Wasaarada
Arimaha dibada ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in ay
xaaladda caafimaad ee labadii qofood uu u dhashay dalkaasi
ee lagu heystay dalka Somaaliya oo la sii daayay maalintii
shalay ay wanaagsan tahay, in kastoo ninka la xirnaa Gabadha
maadama uu da' ahaa la sheegay inuu aad u daalanaa
Franco
Frattini Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Talyaaniga ayaa u
sheegay Baarlamaanka dalkaasi in Jolanda Occhipinti iyo
Francesco Paganin xaaladooda ay tahay mid wanaagsan
islamarkaana ay ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee xarunta
Dalka Kenya .
Mid ka mid
ah Labada xubnood ee ka baxay gacanta Maleeshiyaadka
Soomaalida ayaa waxay telefoonka kula hadashay qoyskeeda oo
uu ka mid yahay Wiil ay dhashay Waxaan qadka telefanka kula
hadlay hooyadeey ayuu yiri Wiil ay dhashay oo lagu
Magalacaabo Gianni Tumino' kaasi oo laga soo xigtay in in uu
hoyadiis uu la hadlay xaaladeeda Caafimaadna ay tahay mid
wanaagsan .
21 Bishii
May ee sanadkan ayaa dhismo ku yaala Degmada Awdheegle ee
Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Labadaas Ruux
ee Talyaaniga iyo nin Soomaali ah ayaa waxaa u dhacay
maleeshiyaad hubeysan oo Soomaali ah kuwaas oo hadda la
sheegayo in la siiyay Lacag madax furasho ah
Hal
Milyan oo Dollar ayaa la sheegaya in lagu bixiyay Madax
furasho sii deynta Jolanda Occhipinti iyo Giuliano Paganini
oo tan iyo bishii May u afduubnaa dabley Soomaaliyed,
Odayaal xaga
qabaa'ilka ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen sii deynta
dadkan u dhashay dalka Talyaaniga ee dalka Soomaaliya lagu
heystay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |