Abuu Mansuur oo wareysi siiyay Jariidada LA Times ayaa sheegay in Al-Qaacida tahay Hooyada Jihaadka ee Somalia.
(Soomaaliaya, Aug 26,
2008 Ceegaag Online)
Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa wargeys kasoo baxa dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Los Angales Times wareysi dheer oo uu siiyay ku sheegay in Ururka Al-Qaacida ay tahay hooyada Jihaadka ee Soomaaliya, hoggaamiyasheenna badankood waxay kusoo tababarteen xeryahaha Al-Qaacida, xeeladaha dagaalka iyo awaamiirtaba waxaan ka helnaa iyaga, in badan oo naga mid ahna waxaa ay waqti la soo qaateen Usama Bin Laden". Waxaa sidaa qortey Jariidada Los Angeles Times cadadkeedii soo baxay maanta, iyadoo soo xiganaysa Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Haddii hore aad u maqli jirtey Hoggaamiyayaasha Maxkamadaha Islaamiga ah oo iska fogeynaya Al-qaacida iyo Bin Laden, waxaa taas bedelay. "Waxaynu amarrada ka qaadanaynaa Sh. Usama Bin Laden maxaa yeeley waxaynu nahay ardaydiisii" Waxaa sidaas yiri Abuu Mansuur oo ay wareysigiisa maanta daabacdey jariidada LA TIMES.
Wareysiga dheer ee uu bixiyey Abuu Mansuur waxaa uu u muuqdaa mid markale loogu yeerayo xoogagga had iyo goor mar-marsiinyaha u goobaya in Soomaaliya duullaan kale lagu soo qaado, waxaana uu marqaati cad u yahay tuhummada laga qabo in kooxda Al-Shabaab tahay koox Jar iska xoor ah oo aqoondarro siyaasadeed iyo xikmad-darro hayso ama ay tahay koox ay ku milantey jawaasiis dawlado shisheeye oo gacan ku siinaya sidii markale loo maleegi lahaa duullaan Soomaaliya lagu soo qaado.
Wareysigan Abuu Mansuur waxaa xitaa siyaasad ahaan ka xikmad badnaa Michael E. Ranneberger safiirka Mareykanka oo markii la weydiiyey hadalladii Muqtaar Roobow kaga jawaabey 'Al-Shabaab miyaa amarro ka qaadanaysa Al-Qaacida? waxaan dhihi lahaa Maya, iyaga (Al-Shabaab) ayaa hawshooda wata)' in kastoo uu safiirku garawsadey inuu jiro isu dhawaansho labada dhinac ah hadana waxa uu rumaysan yahay inuusan gaarsiisnayn heer hawl-fulineed.
Jariidada Los Angeles Times oo ka mid ah jariidadaha ugu saamaynta weyn siyaasadaha Mareykanka ayaa warbixinteeda cinwaan uga dhigtey 'XAALADA SOOMAALIYA OO U BISLAATEY AL-QAACIDA' waxayna hadalka Abuu Mansuur u soo bandhigtey in ay Soomaaliya xaalad cusub gashey. Waxaa kale oo ay jariidadu sharxaysaa kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya oo hore u dafiri jirey ama aan sidaas ugu dhiiran jirin in xiriir kala dhexeeya Al-Qaacida ay haatan taas bedelkeeda qiranayaan oo ay si cad u sheegayaan inay la mid yihiin Al-Qaacida amaba ay ka tirsan yihiin.
Jariidada oo arrintaas sii ambaqaadaysana waxaa ay soo xiganaysaa Abuu Mansuur oo markii ugu horreysey qiranaya in kooxdiisu 'ay xiriir dheer la lahayd Al-Qaacida' Waxaana uu Abuu Mansuur sii raaciyey inay haatan ay raadinayaan sidii ay Al-qaacida ula yeelan lahaayeen xiriir intaas ka sii dhowaansho badan.
Halkan Hoose ka akhriso wareysiga LA Times ee ay la yeelatay Abuu Mansuur.
http://www.latimes.com/news/printedition/asection/la-fg-shabab25-2008aug25,0,7041237.story
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |