shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ahmed Ould Abdallah oo ka hadlay Dagaalada ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

(New York, Aug 23,  2008 Ceegaag Online)

Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ahayd mid ay hareeyeen dagaallo ay isaga hor yimaadeen Xoogaga Ismaaliyiinka , Maleeshiyo Beeleed gacanta ku haysay magaalada Kismaayo iyo waliba xasuuq la sheegay inay geysteen ciidamada Itoobiyaanka ku sugan magaalada Muqdisho.

Ahmed Oulad Abdallah waxa uu sheegay inay wax laga xumaado tahay iyadoo xaaladda Soomaliya lagu guda jiro sidii dib u heshiisiin looga dhalin lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradkeeda  ay hadana dhacaan dagaallo isla markaana dadka rayidka ah, ayuu sheegay  inay saameynta ugu badan ku yeesheen dagaaladaasi.

“Dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Kismaayo waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan dagaalka iyo dhibaatada ay ku hayaan dadka rayidka ah ee Kismaayo ku nool, waana inay ku bedelaan xabbadda wadahadal ay ku dhameynayaan khilaafaadkooda” ayuu yiri Ahmed Ould Abdallah oo dhinaca kale ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyanka oo dhinac ah iyo kooxaha ka horjeeda inay joojiyaan madaafiicda ay shacabka ku ridayaan.

“Dhinacyada ka horjeeda heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen Dowladda iyo mucaaradkeeda waxaan ugu baaqayaa inay ku biiraan isla markana taageeraan sidii ay u meel marin lahaayeen qodobadii lagu heshiiyay” ayuu yiri Ahmed Ould Abdallah oo sheegay in kooxdii diidan ama ka horjeeda heshiiskaasi ay u furan yihiin albaabada dib u heshiisiinta, taasi oo uu sheegay in cida aaminsan inay dagaal horumar ku gaareyso la marsiindoono Ciqaabta ay muteystaan.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com