shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Amaanka Baydhabo oo faraha ka sii baxaya, kadib markii xalay Bamb lagu weeraray Guriga Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdaleh.

(Baydhabo, August  03,  2008 Ceegaag Online)

Ilaa iyo Labo Qarax oo ka dhashay Bambo Gacameed ayaa Xalay Fiidkii lala beegsaday guriga xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Sida ay inoo sheegeen dad ku dhawaa goobta qaraxa ka dhacay.

Qaraxan oo ahaa Bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu tuuray Guriga Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla, hase ahaate Cidna waxba kuma noqon.Mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay Qaraxaas inay ka dambeysay, laakiin Magaalada ayaa lagu arkayay Ciidamo fara badan oo gaaf wareegayay gudaha Magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa ku eedeysay bam gacmeedkii lagu Weeraray hoygeeda inuu ka dambeeyo Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo sida ay sheegtay weerarka kasoo maleegay Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaasi oo si weyn looga maqlay gudaha iyo daafaheeda magaalada Baydhabo ayaana la ogeyn qasaaraha uu keenay qaraxaasi,waxaana la ogeyn ujeeda Caawa bamka loogu Weeraray hoyga xildhibaanadaasi.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com