Arday Ka qalin
Jabisay Jaamacada Osmania University ee Dalka India oo
Xaflad loo sameeyay.
(Hyderabad,
August 02,
2008 Ceegaag Online)
Maanta
oo Taariikhdu tahay 02-08-2008 ayaa waxaa Xaflad loo
sameeyay Ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Qadiimiga ah ee
Osmania University ee ku taala Magaalada Hyderabad ee Dalka
India.
Xaflada oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacdey
Hoolka weyn ee Jaamacada Osmania qeybta barashada
Technology-ga Casriga ah taas oo ay iskugu yimaadeen Arday
tiradood lagu qiyaasay 300 oo arday Ajaanib ah.
Xafladaas ayaa waxaa lagu gudoonsiinay ardaydii ka qalin
Jebisay Sanadka 2008, Shahaadada Degree ama Bachelor ah, Waxaana
xafladaa iska kaashaday Jamaacada Osmania iyo Ururka Arday
Ajaanibta ah.
Xaflada qalin jebinta ayaa waxaa ka hadlay Vice
Chancellor-ka Jaamacada Osmania, Prof. Thirupathi Rao oo
ardayda ugu Mahad naqay sida wanaagsan ee waxbarashadooda u
dhamaysteen, kuna tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay
Ardayda iyo Jaamacadaba.
Prof.
Thirupathi Rao ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay
Jaamacada Osmania University inay heshu Sumcad weyn madaama
Arday intaa le’eg Sanadkan ka qalin jebiyaan , Sanadada
dambena uu rajeynayo inay kasii kordhi doonaan Tirada
Ardayda ka qalinjabindoonta.
Waxa
kaloo xaflada lagu casuumay Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiya
Dalka India isagoo hadal kooban ka jeediyeye isla goobtaas,
wuxuuna aad uga hadlay Waxbarashada iyo muhiimada ay u
leedahay, isagoo hadalkiisa ku soo koobay, Mahadnaq iyo
isagoo ku amaanay Arday Ajaanibta isku xidhnaanshahooda iyo
wada shaqeyntooda.
Xaflada ayaa wax door weyn ka ciyaaray Arday Soomaaliyeed ee
wax kabarata Jaamacada Osmania University oo sanadkan haya
Jagada Gudoomiyenimada Ururka Ardayda Ajaaniibta.
Daawo Sawiradda
Axmed
Maxamed Maxamud (Xamuurad)
Hyderabad, India
xamuurad@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |