shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baabuur lagu kala dhacay Magaalooyinka Laascanod iyo Bosaaso.

(Laascaanod, August  02,  2008 Ceegaag Online)

In Baabuur la kala dhaco waa wax iska caadi ah Soomaaliya gudaheeda,dhaca baabuurtu wuxuu galay booskii geela,kaas mar ahaan jiray mida loogu kala dhac badan yahay Soomaaliya gudaheeda.

Hadaba dhacdadan hadda lagu kala dhacay baabuurtan, ayaa ka dhacdey Magaalooyinka Boosaaso iyo Laascaanod, kuwaas oo baabuurtan lakala dhacay ay dhanyihiin 4 baabuur,2 lagu dhacay Magaalada Boosaaso iyo 2 lagu dhacay Magaalada Laascaanod.
 
Dhacdadani waxay kasoo bilaabatay Dil loo geystay nin Qaad wale ahaa oo lagu dilay Libaaxo oo u dhow Magaalada Garoowe, iyada oon dilka Ninkaas oo wali laga wada hadlin,ayaa ninka la dilay walaalkii waxuu dhacay 2 baabuur oo uu ku dilay nin, nina ku dhaawacay.
 
Wada hadal dabadeed 2-dii nin ayay waxgaradku go’aamiyeen in la isku tuuro iyadoon markaas laga wada hadlin ninkii dhaawaca ahaa, ayaa kadib waxaa la dhacay hal baabuur oo ah ZY, kaas oo ay dhaceen Rag u dhashay Gobolka Nugaal, uuna lahaa nin kasoo jeeda Gobolka Sool oo la yiraahdo Xasan Madoobe.

Haddaba 25/07/008 ayaa 2 baabuur oo laga lee yahay Deegaanka Gaalkacyo una rarnaa Rag u dhashay Gobolka Sool ayaa markii rarka laga dejiyey ay dhaceen niman ay isku hayb yihiin nimankii soo rartay baabuurtaas,iyagoo lala tegay tuulada Yeyle ee Gobolka Sool .
 
Arinkaasi waxuu sababay in la dhaco Baabuur laga leeyahay Gobolka Sool, kuwaas oo lagu dhacay Gobolka
Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.
 
Shaqaaqadaas ka kala dhacday Goboladda Bari iyo Sool, ayaanay weli muuqan Odayaal iyo waxgarad labada dhinac ah oo u diyaara inay ka odayeeyaan dhibaatooyinka lagu kala dhacay baabuurtaas.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Laascaanod.

  

webmaster@ceegaag.com