Baaq furan oo ku
socda Maxaakiimta qabsatay Magaalada Kismaayo iyo shacabka
Deegaankaas.
(Denmark, Aug 28,
2008 Ceegaag Online)
Asalaamu Caleykum.
Salaanta Islaamka ka dib:
Isbeddelkii ugu dambeeyay ee Kismaayo wuxuu ahaa mid lagu
diirsaday marka laga eego aragtida iyo dareenka qofka
muslimka ah ee ay damqayso xaaladda Kismayo iyo waayihii ay
soo martay. Ulama jeedo sida dadka qaarkiis inaan ku
faraxsanahay oo keliya ka saaristii
Col.
Barre
iyo
malleeshiyadiisii ee ujeedku waxa weeye in Kismaayo ay u
gacan gasho dad xambaarsan farriin ka duwan tii ay wadeen
kooxihii horay gacanta ugu hayay oo dhan.
Waxan shaki ku jirin in dadka Jubbada Hoose ay xadgudub
iyo dhibaato joogto ah kala kulmeen kooxihii isku haystay
gacan ku haynta gobolka ha noqdeen kuwa haatan laga saaray
ama kuwii horay uu loollanka ugula jiray ee beelaha kale
ka soo jeeday, laakiin hadda waxaa muuqata isla markaasna
raja wanaagsan laga qabaa in kooxda gacanta ku dhigtay
gobolkaas ay aragti ahaan si wayn uga duwan yihiin kooxihii
horay ugu loollamayay.
Muqaawamada Kismayo waxa laga sugayaa inay gobolka ka
sifeeyaan aragtida ku dhisan qabiilka iyo jabhadaynta ee ay
ku beereen muddadii dheereyd ee ay gacanta ugu jirtay
kooxaha aragtidoodu ku dhisan tahay beeleysiga iyo
sadbursiga anigoon kala soocin dhammaantood. Taas waxaa
dheer in gobolka si buuxda looga hirgeliyo ku dhaqanka
shareecada Islaamka iyo cadaalad ay dadkoo dhami u siman
yihiin.
Gobolku wuxuu u baahan yahay midaynta dadwaynaha ka soo
jeeda beelaha kala duwan ee muddada dheer la isku dilayay
iyadoo magacyo beeleed iyo kuwo jabhadeed la adeegsanayo,
taas waxay suuragal ku noqon kartaa oo keliya cadaalad
muuqata iyo maamul ku dhisan Shareecadda Islaamka oo gobolka
lagu soo dabaalo.
Si loo gaaro ujeeddada laga lahaa isbeddelka socda waxaa
lagama maarmaan ah in waxgaradka iyo dadka wax ku oolka ah
ee gobolka ay qayb ku yeeshaan dhaqangelinta hadafka loo
socdo oo ah in
ALLAH
la raalligeliyo ka dibna dadwaynaha gobolka loo oggolaado
inay helaan fursad ay danahooda adduun iyo aakhiro ku
hagaaji karayaan.
Arrinta Kismaayo iyo Soomaaliya oo dhami maaha mid ay koox
iyo jabhad gaar ah ku talaxumaan karayaan ama ay ka gaari
karaan xal guul haddii aan loo kaashan ALLAH ka dibna
mujtamaca intiisa kale, sidaa awgeed midnimada qaybaha iyo
aragtiyada muqaawamadu waxay ila tahay arrin aan marna laga
maarmi karin.
Taas waxan ula jeedaa in Muqaawamadu ay ka fogaato khilaaf
dhexdeeda ah iyo xukun maroorsi ama taakulayn aragti qabiil
gaar ah ama in awoodda muqaawamadu ay noqoto mid u rahman
ama ka shidaal qaadata aragtida beelaha gobolka horay ugu
hardami jiray ee weli ay dhextaallo aanada iyo eelka ay
dhigeen qabqablayaashii horay gobolka uga talin jiray.
Dhiigga muslimku waa mid
dhowrsoon oo aan lagu bannaysan karin si fudud, qof
kastana ha ogaado in isagoo keligiis ah laga xisaabi doono
wixii uu galay oo aan laga aqbali doonin koox hebel ayaan ka
tirsanaa iyo hebel ayaa ii diray inaan hebel dilo, waxaa
lagu waydiin doonaa ''maxaad adigoo hebel ah u daadisay
dhiigga hebel'' .
Haddii laga fursan waayo waxay ila tahay in dhinacyada
Muqaawamadu ay ku heshiin karayaan awood qaybsiga iyo gacan
ku haynta goobaha muhiimka ah iyadoo wax walba laga
hormarinayo danaha guud ee lagu midaysan yahay taas oo ah in
gobolku noqdo meel tusaale u noqota gobollada dalka intooda
kale.
Waxaa
nasiibdarro iyo guuldarro noqon doonta muran iyo iska
hor-imaad hubaysan oo dhexmara muqaawamada oo aanu u haysano
inay hoggaanka u hayaan culimada Soomaaliyeed oo dantoodu
tahay dhaqangelinta sharciga ALLAH, Soomaalidu waxay
doonaysaa inay aragto maamul Islaamka ku dhisan oo ay
gacanta ku hayaan dad ay ku kalsoon yihiin.
Laakiin hadii taas la waayo oo ay arrintu noqoto khilaaf
iyo gacan ka hadal waxaa la waayi doonaa kalsoonida shacabka
iyo inta wanaagga la doonaysa Soomaaliya, arrintuna waxay ku
dhammaan doontaa kud ka guur oo qanje u guur iyo in laga
cararo meeshii laga maqlo Islaamiyiin ayaa la wareegay.
Ujeeddada muqaawamada iyo dhammaan islaamiyiintu maaha in
Kismayo ama gobol kale la qabsado, ama xukun la qabto,
waxana la ogyahay halka ay arrimuhu ku dhamaan doonaan marka
laga tago ikhlaaska iyo ALLAH dartiis in loo halgamo, dhab
ahaan risaalada qofka muslimka ah uu xambaarsan yahay waa
mid intaas ka qoto dheer, sidaas awgeed xoogagga
islaamiyiinta waxaa looga fadhiyaa inay noqdaan dallad ay
harsadaan dhammaan shacabka burburka iyo colaadduhu
ragaadiyeen.
Waxa lama huraan u ah in laga faa'idaysto cawaaqibkii laga
dhaxlay khilaafkii dhexgalay Islaamiyiinta Afghanistan iyo
kuwa Ciraaq iyo sida cadowgu uga faa'iday khilaafkooda, taas
oo quraankuna ka digay muranka iyo khilaafka oo marka dambe
ku dhamada awooddii oo meesha ka baxda ka dibna lagu jabo.
Waa in muqaawamadu ogtahay inaan looga hari doonin
tallaabooyinka ay qaadeen iyo gacan ku haynta Jubbada Hoose,
waayo waxaa socda hawlo badan oo ay durba bilaabeen cadowga
islaamka oo ku midaysan in islaamiyiinta laga saaro Kismayo
ciddii kale ee doonta ha qabsatee, hadii cadowgu sidaa ku
midoobo waa inay keentaa in dhinaca kale uu ku midoobo
hanashada xilka culus ee uu dhabarka u ritay.
Qof kasta oo Soomaali ahi wuxuu ogyahay oo ka dheregsanyahay wixii
soo maray Geyiga Soomaaliyeed. waxaa lahubaa dhibku wuxuu
ladhamaan layahay inuusan ahayn tamar yari iyo dhaqaalo
la,aan iwm. waxaase xaqiiqadu tahay waxa soomaaliya halkaas
gaadhsiiyey waa Cadaalad daro ku dhisan Qabyaalad
hadafkeeduna yahay Anaa xukumaya oo cunaya.
Haddii Muqaawamadu tahay koox ka duulaysa aragti iyo mabda'
qiima leh waa suuragal inay ku soo dabaasho gobollada dalka
ee ay hayaan nolol ka qiima badan halka ay wax gaadhsiyeen
Jabhadihii ku loolamayey 1991 ilaa iyo 2008.
Waxaa loo
baahan yahay dhismaha maamul midaysan oo dadku u siman yahay
kuna dhisan aqoon, karti, amaano iyo awood xilgudasho, waxaa
kale oo muhiim ah sugidda ammaanka iyo hawlgelinta
kaabayaasha nabadgelyada sida saldhigga booliska,
koontoroolada magaalada laga galo, maxkamadaha sharciga,
dhismaha bolilis hufan iyo dib uga shaqaysiinta ilaha
dhaqaale sida dekedda,
garoonka dayuuradaha iyo kastamada.
Arrintu maaha in lagu tiirsanaado oo keliya awoodda
millateri ee hadda lagu saaray Barre, laakiin waa inay
taliyaan aqoonta iyo fahamka diineed oo lagu dheehay bisayl
iyo waaya-aragnimo, arrimaha waa in loo kala hormariyo
siday u kala mudan yihiin marka laga hadlayo dhaqangelinta
shareecada, iyo in loo tooghayo dhaqdhaqaaqyada caalamka iyo
aragtida laga qaatay dal iyo dibadba siday wax u dhaceen.
waxaa muhiim ah in loodhaqmo lana ogaado in Aduunka Dad kale
inala joogo oo mar walba u eegaya isbedel kasta oo dhacaa
inuu yahay mid danahooda wax yeelaya inuu yahay iyo in kale.
waxaan muhiim u arkaa inaan gobolo kale xiligan lajoogo
Dagaalo iyo faragelin lagu deyin ama lagu degdegin.
Ugu dambaystii Muqaawamadu waxay ogtahay in gargaarka iyo
hiilka ALLAH oo keliya ay yihiin kuwa lagu taagan yahay
taasina ay ku xiran tahay hadba masaafada xaqa loo jirsado,
haddii gargaarka ALLAH uu meesha ka baxana aanay caguhu
dhulka ku taagnaan doonin. Ilaahayna wuxuu u gargaaraan
Awliyadiisa Dulmigana Ilaahay wuu necebyahay Cadaaladadana
wuu Jecelyahay. Muslimkana God lagama qaniino labo jeer.
Sh. C/llaahi Cali Gaani.( Denmark)
gaani66@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |