shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cadaani Hirmooge ayaa waxba kamajiraan ku tilmaamay hadalkii Xildhibaan Barre Hiiraale.

(Asmara, Aug 31,  2008 Ceegaag Online)

Godoomiye Kuxigeenka Labaad ee Ururka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge (Cadaani ) ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal dhawaan uu Warbaahinta ka jeediyay Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ku saabsanaa qabsashadii Magaalada Kismaayo ee dhawaan ay gacan ku haynteeda la wareegeen Xoogaga Maxkamada ee Jubooyinka.

Cadaani Hirmooge oo u waramayay Saxaafada ayaa sheegay in Ururkooda ONLF aysan wax lug ah ku lahayn Dagaaladii Dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose, isagoo Hadalkii Xildhibaan Barre Hiiraale na ku tilmaamay mid mala awaal ah xaqiiqadana ka fog.

Cadaani Hormooge oo ku sugan Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea  ayaa si adag u sheegay in warka ka soo yeeray Xildhibaan Barre Hiiraale oo uu ku sheegay in dagaalyahanada ONLF ay dagaalkaasi ka qayb qaateen uu yahay mid been abuur ah oo uusan ka fiirsan Xildhibaanku waxaana Cadaani Hirmooge uu tibaaxay inaanay dhinacooda jirin wax ciidamo ah oo ay ku urursandeen deegaanka Jubbooyinka ama Guud ahaan Dalka Somalia.

Cadaani Hormooge ayaa sheegay in Ururka ONLF ay ka dagaalamaan Deegaanka Soomaalida Ethiopia isagoo sheegay in 70% dhulka Ogaadeeniya ay gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale Xoogaga Maxkamadaha ayaa Dagaal ka dhacay Magaalada Kismaayo Xoog kula wareegay Gacan ku haynta Magaaladaas iyadoo maleeshiyo beeleedkii laga saaray Magaalada ay isku urursanayaan Gobolka Gedo iyagoo damacsan in Dagaal Rogaal celin ay kusoo qaadaan Magaalada sida uu Saxaafada u sheegay Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com