shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Ethiopia oo qeybo ka mid ah Taangiyado-oda iyo Madaafiicda La jiido ka daabushay Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, Aug 21,  2008 Ceegaag Online)

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dekedda Magaalada Muqdisho uu ka shiraacdey markab ay saaran yihiin, taangiyaal, qoryaha cul-culus oo ay ku jiraan Madaafiicda la jiido, iyo gaadiid kale. Markabkaasi oo  u rarnaa ciidamda dawladda Itoobiya ayaa la sheegey inuu ku sii jeedo Berbera oo ay ka gelidoonaan Itoobiya.

TV-ga PRESS TV oo soo xiganayey sarkaal ka tirsan dawladda KMG ah ayaa faafiyey in Axaddii markabkaasi laga rarey dekeddaMagaalada Muqdisho, kaasi oo bilow u noqonaya ka bixidda Itoobiyaanka ee gudaha dalka Soomaaliya.

Warka ayaa intaas ku daraya in dekedda Muqdisho laga rarey 49 Taangi oo ciidamada Itoobiyaanku leeyihiin iyo 91 ah madaafiicda ay gaadiidku jiidaan, waxaa sidoo kale markabka saarnaa boqollaa ka tiran ciidamada Itoobiya.

Wadooyinka isku xira gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa intooda badani waxay gacanta ugu jiraan xoogagga wax iska caabinta taasi oo loo malaynayo inay ku qasabtey Itoobiyaanka inay xagga badda Soomaaliya kaga baxaan, kadib markii ay badatay qasaaraha ka soo gaarey ciidamadooda oo ay xataa u suurto geli weydey inay Magaalada Muqdisho ka aadaan dhinacaas iyo Magaalada Baydhaba oo Xarun u ah Xubnaha kujira Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com