(Boston, Aug 13,
2008 Ceegaag Online)
"Adduunyada ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban!" Garanay inay maahmaahdanu wax ina tusisay, balse maxay haatan ina tusinaysaa? Waxay ina tusinaysaa cawaaqib xumada ka taagan dalkii Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta. Muddooyin badan ayey dhibaatadan aanu wada darasnay soo jiitamaysay, cid af-jartana waa la'layhay -- hadday in yar af-jarantayna, kuwii wax af-jaray waa lasii af-jaray!
Murugo iyo ciil is biirsaday uunbay abuuraysaa in ummad caynkan ahi dunida ku nooshahay -- waa umad nabad laga la'yahay, oo siyaasad jahli xambaarsani dishootay. Maxaa laga dheefay nabad gelyo la'aanta ka taagan Koonfurta -- kuwan maanta sidaa u xiisa qabana way arki doonaan mar labaad waxay nabad la'aantu keento -- yaah? Waxaan sidaan aaminsanahay ay nabad gelyo xumidu keentay in ummaddii bahalowdo, oo duxdii bini-Aadamnimo ka miiranto, amaba ka dhalaasho sida burcad cadceed la dhigay. Dhankastaba ka eeg, way dulmisanyihiin ummadii...kii wax baan u qaban lehne waa damaaci, kii ay dhab ka tahay inuu wax gargaarona waaba lala kici, oo joogi maayo kaasu.
Waxa arartaasoo dhan iga keenay war yar oon mardhaweyto ka bidhaansaday mareegta Calanka.com, kasoo muraga uu igu reebay awgeed, aan masafo (hees) yar u mariyey. Marka hore warkan masafada ii horseeday bal ila eega, marka xigana masafada:
[Calanka.com] Wednesday, 8/13/07 -- "Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in dil xaqdarro ah loo geystay Hooyo Soomaaliyeed oo xabad UKUN ah ka iibisay Askari Itoobiyaan ah oo suuqa usoo adeeg doontay.
"Hooyadan ayaa la sheegay inay toogteen niman afka soo duubtay oo ku dhawaaqayay (ALAAHU-AKBAR), iyagoo markii ey falkan dilka ah geysteena goobta ka baxsaday.
"Haweenka ku dhaqan degmada Afgooye oo ka qaracmay sababta loo dilay haweeneyda ayaa dilkan ku tilmaamay mid arxan darro ah, islamarkaana eysan garaneynin diinta dhigeysa in nafta looga gooyo ruux bini`aadam ah oo xabad ukun ah ka iibiyay askari.
"Dilalka loo geysanayo bulshada rayidka ah, khaasatan haweenka iyo caruurta ayaa mudooyinkan dambe noqday tusbax-go, waxaana soo baxay ururo diimeedyo baneysanaya dilka qofka muslimka ah, iyadoo aan la aqoon aayadaha iyo axaadiista u baneysay inay nafta ka jaraan Hooyooyinka Soomaaliyeed ee caruurtooda u xamaalanaya.
"Ma ahan markii ugu horeysay oo falal raqiis ah naftoodu ey ku waayaan haweenka u xamaalanaya caruurtooda, kuwaasoo qaarkood caruurtoodu ogoomo yihiin."
War ma Ciraaqbaa Soomaaliya? Sidaan isleeyahay way ka darantahay, waayo cadow madow iyo mid cad oo is biirsaday ayaa Soomaaliya xudunta haya maanta. Fikirka se lagu wada maamulayo waa mid qudha.
Haddaan war bixintaa kore isla eegno, waxaan arkaynaa wajiga ugu foosha xun ay keentay amaan darida wadankii haysa. Waa jahli iyo maangaabnimo waxaas inaanu ku dhex noolaano, oon walibana sababtii annagu lahaano. Waa wuxuushnimo in aan sidaa ku daawano waxbana aanun ka odhan -- niyaddaaba diidday taa'!
Masafada haddaan ka yara faalloodo: Waxay masafadani tilmaamaysaa in cadowgu ku midab guuriyo kuna tirtiro haddaadan iska dhicin markiiba. Sidaad iskaga dhicinayso maankaaga ka warayso, balse waxay diidantahay masafadani in aadan waxaan cadwogaaga ahayn beegsato -- sida maantaba hooyadaa (AUN) loo galaaftay. Waxa kale oy masafadani muujinaysaa in dhalinta sida ku habboon inay wax ula tacaalaan loogu sheego, haddii kale hadafkoodu jar uun buu ka radiyaa. [Hadafku waa in cadowga dalka haysta la laayo -- Eebbaan ka magan galay margi qoraalku ii keeno.] Waxay haddana masafadu caddaynaysaa in taliska madow ee maanta inoo haya hoggaanka uu bariba dhici doono, waxa uu nabaro ka tagana, Insha Allah, la dhayi doono -- sidaas awgeed, maaha inaad dadkaaga kala gaabiso, ood u kala gaabiso inay waxaad nacday kula nici waayaan (Al-Mujaahidow). Waxaana hoggaanka deetana hayn doona dad Ilaahay ka baqa, Rasuulkiisana taabacsan. Masafadiina waatan:
Haddii cadow* ku taabo cabbaar [umadyahay]
Carrigaaga wada cilleeyo
Cidiyaha ku gooyo cayuun
Caruurtana kaa cillaansho
Ceebtaadu cirka gaadhaye
Cadaabta ciil ka dooro [kac oo wax iska dhici]
Oo caynba haw cabaadin [haysu jilcin cidnaba]
Cidhibta ka goo curyaami
Cusko Allaha ku caawin
Cisigu caafimaadka maaha [
Ee waa calankood caymisaa
Curadkaagan la ciilayee
Cumaamada cas sitee
Caku! raba inuu wax caabin
Ma cidahaaga cun baad
Ku canaanataa casarkii?
Mase Celi dhici cadawgaad
Cishaha ugu caqli celisaa?
Cidhibta ka goo curyaami
Cusko Allaha ku caawin
Cisigu caafimaadka maaha
Ee waa calankood caymisaa
Caynaanka xunee caawa
Cawayskan foolle waa ka ciira
Cuduradaa caabuqayuu beerina
Caad ma saarra in la cidhib-goyn
Culimadaa la caashaqi dooniye [imikaba waa la rabaa]
Caammada iyo caqli-laawaha Allow
Cilmi huwi caaqilna ka yeel
Cidhibta ka goo curyaami
Cusko Allaha ku caawin
Cisigu caafimaadka maaha
Ee waa calankood caymisaa
Cidhibta ka goo curyaami
Cusko Allaha ku caawin
Cisigu caafimaadka maaha
Ee waa calankood caymisaa
Ku quus qaado maansadaa kooban, dadkaagana dhawr.
* Cadowgaagu waa kuma? Waad taqaan!
Ilaahay Wanaaga Ha' Na Waafajiyo
Qoraaga maqaalku waa: Iidka Duula
Bostob, USA
webmaster@ceegaag.com |